- Ø Madaxwaynaha Jamuuriyadda Somaliland
- Ø Wasiirka Arimaha Gudaha
- Ø Wasiirka Arimaha Dibadda
- Ø Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda
- Ø Wasiirka Waxbarashada
- Ø Wasiirka Cadaaladda
- Ø Wasiirka Beeraha
Somaliland waxa ay si buuxda xoriyadeeda uga qaadatay Mustacmaradii gumeysiga Ingiriiska 26 june 1960kii. Intaas kaddib jamhuuriyaddii Somaliland Waxa ay la midoowday Konfurta Somalia oo waqtigas uu gumaysan jiray Taliyaanigu markii ay somalialnd la midoowday Somalia Shuruud la’an waxa la soo gudboonaaday aafooyin Waxa dhacay xadgudib ,Xasuuq baahasan oo aan loo kala Miidan dayin dadka shacaybka ah ee reer somalialnd markii ay waxasi oo dhani dhaceen, waxa kala tegay Somaliland Iyo Konfurta
Bur-burburkii ku dhacay shacabka Somaliland Muu ahayn mid ku yimi maalin, bil ama sanad keli ah ee in ka badan 30 sanadood ayaa si dadban iyo toos ah labadaba looga shaqaynayey qaybinta, kala fogeynta iyo is nacsiinta Shacabka Somaliland Dagaalo sokeeye iyo Mid dibu xoreeyeed ayaa galaaftay jiilal fara badan oo ka mid ah shacbiga sharafta badan ee Somaliland Dadkayagu waxa ay waayeen garab iyo gaashaan, mugdi kasta waxa u beddelay mugdi ka sii daran, qax, cabsi, xabbad, cadaawad, qoqob, dir-sooc, dulmi, bur-bur, barakac, laajinimo, dhaawac, dhimasho, naafo, gaajo, fakhri, is-nac, is-diid, is-dil iyo dowlad la’aan ayay ahaayeen wehelka iyo wadaygii keli ahaa ee Somaliland kaga soo hagaagay midnimadii koonurta Somalia
30-kii sano ee Somaliland La midoowday Somalia ee Aynu soo dhaafanay waxa ay Somaliland kaga soo hagaagay .Aqoon la’aan, caafimaad darro, saboolnimo, biyo la’aan, caddaalad darro, maamul xumo, iyo nolol la’aan ayaa ahaa inta Somaliland kaga soo aadday sed-qaybsigii Koonfurta Somalia
Intaas oo mushkiladood waxa ay ku dhacayeen Shacabka Somaliland oo ah Shacab keli ah oo ku nool dal keli ah oo leh diin keli ah kuna hadasha af keli ah. Sidoo kale Rabbi ku mannaystay dal dihin, oo leh noocyada kala duwan ee khayraadka oo dhan sida xoolaha, beeraha, macdanta, badaha, daaqa waxan ay intaas oo dhan shacabka Somaliland ka doorbidayeen midnimada iyo walalatinimadii iyo Doonidii Midnimo Somali wayne lakiin Sadkoodu waxa uu noqday Xasuuq aan loo kala aabo yeelin hadaba maanta waxa laga joogaa 22 sano markii somaliand xoriyadeeda Dib ugala soo noqotay Koonfurta Somaliland waxay ku talabsatay horumar baalaadhan waxa ay samaysay wax dunia indhaheeda soo jiitay waxay qabtay dhisida qaran dhamaystiran waxay hubka dhigis ku samaysay maleeshiyaadkii waxan samayasay haykal dawladnimo oo dhamaysiran waxan qabatay doorashoyin xor ah oo xalala ah,hadaba waa su’aale maka intaas laga soo gudbo maxaa inaga hor taagan in aynu helo citiraaf dhamaystiran?oo aynu ka helno aduunyada inteeda kale hadaba Su’aashaasi waa mid u bahan in si cilmiyaysan loo eego logana jawaabo aniga waxan isku dayey in aan bal dhinacyo badan ka eego
- Haddaba markaan arkay qorsho la’anta ka muuqata Citiraaf Raadinta xukuumada maanta jirta ee ahmed siilanyo iyo tii ka horeysay ee dahir riyaale kaahin
- Markaan Darsay qaabkii loo bilaabay aqoonsi raadinta somaliand iyo qorsha xumadii ay ku wajahaday xukuumad hore ee dahir riyaale kaahin
- Markaa Ogaaday in hoggaamiyayaashii hore ee siyaasiyiinta u ahaa Somailand ku fashilmeen xal u helida dhibaatada Aqoonsi Raadinta ee somaliand
- Markaan Dhugtay Fashilka Laxadka leh ee ku yimid wadahadaladii Somaliland iyo Somalia u dhexeeyey oo u muuqada qaar laga leexiyey jidkii loogu talo galay oo Somalia sida ay doonto u fasilatay
- Markii aan Fahamay fashilkii ku yimi shirarkii badnaa ee Aqoonsi Raadinta ahaa ee dibadaha lagu qabtay, beesha caalamkuna Fahami wayday xal u helida dooda Somaliland iyo Somalia taasi oo ay faragalin joogto ah ku haya soomaaliya Oo Geed Dheer Iyo Midgaabanba U Fushay Sidii aan Somaliland aqoonsi caalami ah u helin
- Markaan Arkay dhibaatooyinka bulsho ee aan xadka lahay Shacabka Somalilalnd sida, abaaraha , Wax soo saar La’aanta ,cudurrada, aqoon la’aanta, iyo kala daadsanaanta ee maanta bulshada Somaliland haysata.
Waxaa lagama maarmaan noqotay in Aan si toos ah u Taageero Dood Qaran oo Mudane Madaxwayne Mucaaradku ku dhawaaqeen hadaba Mudane Madaxwayne la hadal oo dhagayso waana Fikir iyo aragti la soo bandhigaayo, waana mid ay wadaan xisbiyada mucaaradka ahi, Waan mid is beddel doona si looga gudbo caqabadaha taagan waxaanay isku taageen badbaadinta dadka iyo dalka Somaliland Mudane Madaxwayne sida uu wasiirkaga arimaha gudahu sheegay waxa cadawaga somaliand ee somlia waa sida uu hadalka u dhigaye Billions ku bixiyaan sidii Somaliland looga ridi lahaa amaan daro marka maxad ku diidi hadii Xisbiyada mucaaradku yidhahadeen waar aynu isku nimaadno oo aynu ka wada hadalno xalada dalku maraayo mudane madaxwayne ma Xuma taasi ee mucaaradka la hadal
Mudane Madaxwayne wadiga reer koonfureedkaba horfadhista adiga oo og waxay na badeen iyo sida ay dadkaaga u xasuuqeen iyo wixii na dhexmarayba marka mucaaradka lahadal waa muwaadinine ?.
.
Sidaas darteed ayay isu-tagga Xisbigayda Mucaaradka ahi ee Somaliland is-tuseen, isla gorfeeyeen, isla fahmeen, islana garteen isla markaana isla qaateen DOOD QARAN
Qaranku waxa uu u bahan yahay Sadex arimood In laga badbadiyo
Bahiyaha kowadna waa ah:
- Mideynta Shacabka Somalilnad iyo la’dagaalanka waxyaabaha keenaya kala qaybsanaanta Shacabka sida: qabyaaladda, gobolaysiga, colaadaha, dulmiga, jahliga, cadaawadda, gaajada, qaadka, iyo wixii la’mid ah.
- Xafididda muqaddasaadka Shacabka Somaliland ee ay ugu horreyso Diinta Islaamka iyo Jiritaanka somaliland ,hiddaha iyo dhaqanka suubban ee shacabka Somaliland
- Abuurista Wax WAXSOOSARKA, MIDNIMADA, WADDANIYAD, CADDALADA, iyo HORUMAR, si loo helo ummad is-jecel, hannaan dowladnimo, bulsho hodan ah iyo qaran haybad leh.
SIYAASADDA ARIMAHA GUDAHA EE DALKA
Siyaasadda Arimaha Gudaha Ee Dalka:
1) Mudane Madaxwayne Waa in Aad u Halgantaa sidii Somaliland uga hirgelin Lahayd qaran haybad leh, bulsho hodan ah iyo hannaan dowladnimo oo Somaliland u horseeda horukac taarikhduna ay ku xusi doonto .
2) Mudane Madaxwayne Waa In aad xaqiijinta Jamhuuriyad ay leeyihiin, u siman yihiin, isla markaana wada kulmiya dhammaan Shacabka Reer Somalilland waana muhiim in aad waxa ka badasho habka saami qaybisiga dalka .
3) Mudane Madaxwayne Waa in aad si adag uga soo horjeesataa hababka siyaasadeed ee aan ka turjumayn midnimada, wada-jirka iyo walaaltinimada Shacabka Somaliland sida:
Awood qaybsiga Beeleed
Habka maamul goboleedyada
Habka iyo nidaamka aan ka turjumayin Midnimada iyo walaltinimada shacabka
Shirar Beeleedyada
4) Mudane Madaxwayne Waa Waajib ku saran in aad si adag u ilaalisaa midnimada, qaranimada, iyo wada-jirka Shacabka Somaliland
5) Mudane Madaxwayne Waa in aad ka shaqaysaa dhismaha qaran awood leh oo si toos ah u maamula dhaqaalaha, siyaasadda, horumarinta guud iyo adeegga bulshada ee dhammaan gobolada iyo degmooyinka dalka.
6) Mudane Madaxwayne Waa In aad Culayska Saartaa in Shacabka Somaliland Helo Kalsooni, Caddaalad, Maamul hufan, Siyaasad deggan iyo Qorshayaal horumarineed oo waqtiga dhow iyo waqtiga dheer ba leh.
7) Mudane Madaxwayne Waa Waaji ku saran in aad dhisto qaran sharcigu ka sarreeyo qofka ee qofku aanu ka sarrayn sharciga
8) Mudane Madaxwayne Waa waaji ina saran in aad dalka u Samayso barnaamijyo dib-u Dajineed, Adiga oo abuuraya Aqoonteedi , adeeggii iyo kaabayaashii dhaqaale ee lagama maarmaanka u ahaa kor-u qaadida iyo kobcinta dhaqaalaha dalka iyo dadka.
SIYAASADDA ARIMAHA DIBADDA EE Dalka
1) Jamhuuriyadda Somaliland waa qaran madax bannaan, una madax-bannaan maamulidda iyo maaraynta arimihiisa gudaha,
2) Xukumada aad madaxwaynaha ka tahay waa in uu noqdaa xisbig muxaafad ah oo aan marnaba aqbali karin in madax-bannaanida Somaliland Gorgortan iyo mugdi gasho.
3) Mudane Madaxwayne Waa In aad Dhistaa Xukuumad u hoggaansan Dhawraysan dhammaan shuruucda caalamiga ah ee dunida sida, Axdiga guud ee Qaramada Midoobay, baaqa caalamiga ah ee Xuquuqul insaanka (Universal Declaration of Human Rights), Axdiga midnimada Afrika (African Charter) iyo dhammaan heshiisyadii caalamiga ahaa ee ay saxiixeen dowladihii hore ee Somaliland Soo maray ee ka turjumayey danaha Shacabka Somaliland
4) Mudane Madaxwayne Waa In aad Si Buuxda u Taageertaa soona dhawaysaa dersinimada, nabad ku wada noolaanshaha iyo iskaashiga wadamada gobolka Afrikada Bari. Waxaanan Kugu Dhiiri Galin Lahaa In aad ka Shaqayso sidii shucuubta Afrikada Bari uga dhaadhin lahay ku dhiirashada aqoonsiga somalialnd iyo sidii ay u samaysan lahaayeen ganacsi xor ah (Free Trade co-operation)
5) Mudane Madaxwayne Waa in aad soo Celisaa xiriirkii taariikhiga iyo soo jireenka ahaa ee ka dhaxayn jiray Somaliland iyo wadamada carbeed ee aynu ka mid nahay. waxa kale oo aan Jeclaan lahaa in aad soo Celiso xiriirkii Somaliland la lahayd shucuubta Islaamka ee aynu walaalaha nahay.
Siyaasadda amniga ee Dalka
Si loo abuuro Mudane Madaxwayne bulsho difaacan karta qaranimadeeda iyo jiritaankeeda Waxan Aminsanahay .
1) Difaacida qaranimada Somalialnd iyo midnimadeeda
2) Difaacida xuduudaha dalka Somaliland oo ay ku jiraan xuduudda dhulka, badda iyo cirka
3) Nabad kula noolaanshaha dawladahada dariska ah iyo iskaashigooda
4) Xoojinta iyo Qalabaynta qaybaha kala Duwan ee ciidamadii Qaranka Somalilnad iyo dhisida ciidan tayo iyo akhlaaq leh .
SIYAASADDA DHAQAALAHA EE DALKA
Si loo abuuri bulsho hodan ah iyo qaran haybad leh Mudane Madaxwayne Waa In aad xoogga Saartaa:
1) Xoojinta wax soo-saarka gudaha gaar ahaan Beeraha, Xoolaha iyo Wax soo-saarka badaha
2) dhiiri-gelinta suuqa xorta ah
3) fududaynta maal-gashiga caalamiga ah
4) Yaraynta tacriifaadka gudaha (Inland Revenue) iyo cashuuraha macaashal macaashka
5) Soo noolaynta wax-soo-saarkii warshadaha yar-yar ee dalka iyo dhiiri-gelinta warshadaha mugga weyn leh
6) Abuuridda, tayaynta iyo kor-u-qaadidda adeegyada dadweynaha ee dhaqaalaha abuura (Service Sector)
SIYAASADDA ARIMAHA BULSHADA EE Dalka
Mudane Madaxwayne Waa In aad U Halgantaa Dhisida qodobada hoos ku qoran
1) Bulsho leh dhaqan, akhlaaq iyo diin (Islamic Society)
2) Bulsho walaalo ah, wadajirta, iskaashata oo is-jecel
3) Bulsho xor ah oo ka xor ah: gaajada, qabiilka iyo qof jeclaysiga qofkastaana xor u yahay maankiisa, maskaxdiisa iyo muruqiisa
4) Bulsho aqoon leh oo fikirkeeda iyo fahamkeeduba sarreeyo
5) Bulsho hodan ah oo ka hayaanta saboolnimda
6) Bulsho wadani ah oo ilaashan karta qaranimadeeda
7) Bulsho awood u leh xulashada, xakamaynta iyo la xisaabtanka madaxda qaranka
SIYAASADDA WAXBARASHADA, CAFIMAADKA IYO ADEEGGA BULSHADA EE DALKA
Mudane Madaxwayne Waa In aad U halgantaa sidii shacabka Somaliland helaan in uu ummadda Soomaaliyeed u diyaariyo:
1) Adeeg Waxbarasho oo lacag la’aan ah oo tayo leh
2) Adeeg Caafimaad oo lacag la’aan ah
3) Adeeg Biyo oo nadiif ah laguna heli karo qiime aad u jaban
4) Adeeg Is-gaarsiineed oo casri
5) Adeeg Koronto oo raqiis ah
6) Adeeg Gaadiid oo habsami u socda
7) Adeeg Maamul oo barax-tiran
8) Adeeg Garsoor oo caddaalad ku salaysan
SIYAASADDA HORUMARINTA XOOLAHA, BEERAHA IYO DEGAANKA
Mudane Madaxwayne waxan kugu dhiiri galin lahaa in aad xooga saartaan barnaamijyo lagu horumarinayo beeraha, xoolaha iyo degaanka.Ee hada jira lana xoojiyaa waxa soo saarka beeraha ,
Mudane Madaxwayne waa in bulshada la baraa muhiimadda dhaqaale, nololeed iyo aayatiin ee ay leeyinhiin xoolaha, beeraha iyo degaanku sidaa darted waxan soo jeedin laha qodobada hoos ku qoran:
Waa in aynu xooga saaranaa:
1) Jihaynta beeraha iyo kobcinta abuurka beeraha
2) Ilaalinta iyo dhowrista degaanka
3) Dejinta reer-guuraaga
4) Kor u qaadida xanaanaynta xoolaha
5) La dagaalanka xaalufka iyo biyo la’aanta
6) Suuq u raadinta wax-soo saarka beeraha iyo xoolaha
7) Ka faa’iidaysiga khayraadka badda iyo isticlaamka kaluunka
Abdikarim Abdilahi Mouse
Hargiesa Somaliland