iskahorimaadyo u dhexeeya booliiska iyo dibedbaxayaasha oo muddo laba toodbaad ah socda Ukrain

Ukraine-(BBC)-Caasimadda Ukraine ee Kiev waxaa ka socda iskahorimaadyo u dhexeeya boliiska iyo dibedbaxayaal ka soo horjeeda dowladda.

Boqolaal askeri oo ka tirsan ciidammada boliiska dalka Ukraine ayaa xoog ku galay fagaaraha xoriyadda oo dibedbaxayo ka socdaan.

Waxay doonayaan inay xoog ku kala diraan dibedbaxayaasha ka soo horjeeda dowladda oo halkaas ku sugan muddo labo toddobaad ah.

Fagaarahan oo ku yaalla bartamaha caasimadda dalkaas ee Kieve ayaa xudun u noqday dibedbaxayada looga soo horjeeda dowladda.

Gacan ku haynta fagaaraha

Weriye ka tirsan BBC-da ayaa sheegay inay u muuqato in dagaalka uu haatan yahay cidda gacanta ku haynayso fagaaraha, iyadoo uu jiro dhaawac soo gaaray labada dhinacba.

Dibedbaxayaasha ayaa wadada isku gadaamay iyagoo saf saf u taagan, kaddib markii boliisku soo jebiyeen dhegaxaan ay ku xireen halka laga soo galo fagaaraha.

Midowga Yurub

Dibedbaxayaashu waxay doonayaan in dowladda ay is casisho, oo dalka uu xirir hoose oo dhaqaale la yeesho Midowga Yurub.

Madaxweynaha dalkaas Viktor Yanukovych ayaa sheegay in dalkiisu uusan haysan fursad aan ahayn in ay xiriir dhaqaale la yeeshaan Ruushka.

Maddaaharaadayaasha waxay ka caraysan yihiin in madaxweynaha uusan dhagaysan dalabkooda ku aadan in xiriir dhaw lala yeesho Yurub.

Midowga Yurub ayaa cambaareeyay awoodda ay dowladda u adeegsatay dadka dibedbaxayay.