Madaxwayne Muwaadinku Xuquuq Ma Leeyahay? (Warqad furan)

Berberanews-Qoraalkaygan oo aan ku beegay maalinta Xuquuqul Isaanka ee 10-december, waa mid dantu igu qasabtay inaan warqad furan u qoro Madaxwaynaha qaranka Md. Axmed Siilaanyo, waayo cid ka hoosaysa oo maanta loo dacwoodaa ma jirto.

Magacaygu waa Cabdixakim Maxamed Guuleed oo ku magac dheer Cawaale, waxaan ku dhashay, kuna barbaaray magaalada Hargeysa, waxaan dalka gudihiisa ku dhammeeyay  waxbarashada dawliga oo dhan, sannadihii (1995-2003 Waraabe Salaan, dugsi hoose dhexe, 2003-2007, Gacan-libaax Secondary School iyo 2007-2011 University of Hergiesa), waqti duruufo badani jiraan dhallintuna waddanka ay ka yaacayso.siilaanyo(1)

Waxaas oo dhan waxaan u soo bandhigayaa inaan caddeeyo inaan ahay muwaadin dhab ah oo dalkiisa ku dhax saahiday.

Isla sannadkii aan dhammeeyay jaamacadda (2011) waxaan imtaxaanka dadwaynaha ka galay xafiiska hay’adda shaqaalaha dawladda, waxaanan shaqo ka helay dawlada, gaar ahaan Wasaaradda Maaliyadda, anigoo iskay isku wada, lix bilood markii aan shaqaynayey, waxa la ii beddelay xafiiska Cashuuraha Berriga ee Berbera, anigoon codsan, waana xafiiska ugu wayn dhammaan xafiisyada cashuuraha berriga ee dalka,  muhiimad badana waxa uu u leeyahay dad badan oo wanaaga neceb, xafiiskaa oo la doonayey in isbeddel lagu sameeyo.

Muddo ayaan ka shaqeeyay anigoon danta qaranka mooyee dan kale aan ujoogin xeebtaa, tii oon  weliba aniga waxba lay kordhin mushaharkaygii horena aan qaato, waxaannan isku qabay dhammaan kharashaadkayga sida hurdada, cuntada, kirada iyo wixii la halmaala, anigoon joogin gurigaygii Hargeysa, balse waxaas oo dhiba qaba haddana waxaan dhexda u xidhay inaan xafiiskaa ka dhigo xafiis heerkiisu sarreeyo, dabcana waan ka dhigay oo maalintii aan tagay waxa uu ka mid ahaa kharaabadaha Berbera, maantana waxa uu ka midyahay qasriyada Berbera dhisme ahaan, qalab ahaan iyo shaqo ahaanba ciddii taqaanayna waa ka markhaati.                                                                                      

 Mudane Madaxwayne waadigii noo yimi maalintii la furayey horraantii sannadkan, waxaannan maalintaa kuu sheegay inaan ahay ardaydii jaamacadaha dalka ka soo baxday iyo in xafiiskan sidii dalka loo soo galay aan maanta ka hor waxba laga qaban, maalintaa waad nagu faraxday, waanad noo mahadnaqday waxaanad noo sheegtay inaannu nahay dadka ay xukuumad ahaan ay ku faanayaan, rajo fiicana waad nagelisay.

Haddaba, bixiso waatane, muddo markii aan joogay ayaan waxaan maamulkii wasaaradda u soo gudbiyey dacwad foojiraya oo uu qof shaqaale ahi ku kacay, kadib dacwaddii Hanti-dhowrka ayey wasaaraddii u gudbisay, waana la baadhay oo waxa la xidhay inankii falkaa galay, kadib muddo saddex bilood ah markuu xidhnaa ayaa kiiskii si loo baabiiyo waxa dacwaddii la soo geliyay aniga oo ahaa maamulihii soo dacwooday, waxaanna la igu xidhay sifo sharci-darro oo ah waxaad gashay dambi ah maamul dayacaad, laba casho markii aan xidhnaa kiiskii laygu eedeeyay waxa uu yeeshay damiin oo waa lay damiintay. Hase ahaatee, kiiskii aanan gelin ee hore laygu eedeeyay oo ahaa dayacaad ayaa haddana lagu soo daray kiis kale oo aanan shaqo ku lahayn oo ah musuqmaasaq, haddana dib ayaa lay xidhay oo damiinkii laygala noqday.

Muddo ka badan afar bilood ah ayaan ku xidhnaa xabsiga dhexe ee Berbera xilli Xagaaya, Ramadaana lagu jiray. Hanti-dhowraha guud oo ay u tageen odayaal xaafadda ah oo uu hoggaaminayo oday Muuse Xirsi (Muuse Dalab) markii ay waydiiyeen waxa uu igu xidhay, waxa uu af buuxa ugu jawaabay wallaaahi ‘inanku waxba muu samayne ninkii uu soo xidhay iyo reerka talada haya oo aan kala hadhin ayaa doonaya in loo xidho,’ odayaashii ayaa yaabay oo wax alaale waxay ku hadlaan garanwaayay, kadibna iskaga baxay.

Waa ninkaa Hantidhowraha qaranka ninka lagu sheegayaa ummadda iska horgaynaya, kuna faanayey shaqo aan anigu keligay qabtay ee warbaahinta mariyey ‘waxaan qabtay musuqmaasuq shirkad isku xidhan oo cashuuraha berriga ee Berbera kii ugu horreeyayna waan qabtay.” Tallaabooyinkaas oo uu u sameeyo marka la yidhaa isku shaadhayn ayaa soo dhow si uu uga badbaado in la beddelo ayuu iska dhigaa mid shaqo wayn qaranka u haya, inta kalena hagar-daamada ummadda ayuu ka shaqeeyaa.

Ugu dambayntii xaqii ayaa yimi oo maxkamadda Berbera oo uu joogay garsoore cadaali ahi ayaa xorriyadaydii ii soo celisay aniga, caddaysayna inaanan wax dambi ah lahayn, inankii kalena xukuntay, laakiin intaa wax dhaafsiisan maan helin oo cid aan xaquuqdaydii aan u doonto oo aan u dacwoodo iyo cid ii garowda toona mahayo ilaa maanta. Haddaan hadal is idhaana waxa lay yidhaa waar meeshu waa Africa ee haddii Alle ku soo daayey adaaba buro sida ee aamus, maantana qaranku ma istaahilo wax loo dhinto iyo wax loo hagar baxo toona oo qofka damiirkiisu noolyahay ee xoolaha ummadda iska dhowra waxa loo yaqaan nin soo lumay oo dawakhsan, ka xoolaha ummadda xalaashadayna wuu ku amaananyahay, lagumana caayo.

Sidaa daraadeed, Mudane Madaxwayne adiga ayaanu ku dooranay, adna waxaad sii dooratay masuuliyiinta ummadda u shaqaynaysa, taa awgeed dambiga ay ka galaan ummadda adaa ka masuula, waayo adaa u dhiibay awoodaha ay ku tarki falayaan, maantana dalka dhib badan ayaa taal, dhibkuna wuxuu ugu sii badanyahay dhallinyarada, taas oo sababtay inay dhallintu quustaan dalkana ay ka haajiraan.

Gebogabadii Madaxawayne waxaan kaa codsanayaa.

·         Inaan helo xuquuqdii aan caddaalad-darrada muddadaa meel madow ugu xidhnaa.

·          In ninka Hanti-dhawrka ah ee hagardaamada ka samaysan aad ummadda ka qabato.

·         Qofka madluunka ahina samri maayo weligii inta kii daalinka ahaa horfadhiyo weli ee wax badan hoos u eeg oo yaan qofka layska xidhin sabab la’aan oo ninkii soo maraa garanayee yaan dadka dulmi lagu xidhin xadhigu wuu xannuun badanyahaye.

·         Madaxwayne waxaan kaa rajaynayaa inaad arrinkaygaa hoos u eegto, gudina aad u saarto, haddii kale madaxwayne waxbaan iska celin amba dalka ayaan iskaga tegi siday dad hore uga googoosteen.

·         Guntii iyo gunaanadkii Mudane Madaxwayne waxaan si xishmadi ku jirto cafis kaaga dalbayaa in inankii la xukumay dambigii uu galay waa lagu qaaday ciqaabtiisiiye aad cafis madaxwayne u fidiso, waayo xadhig dheer ayaa lagu qaaday oo lix sanno ah, ana calool-xumadiisu igama hadhayso inta uu xidhanyahay oo xabsigii ayaanu isku qol ahayn, takale waxa laygu tirinayaa in aan anigu iskay u xidhay ee aanay dowlad wax xidhaa jirin.

 

Cabdixakiim Maxamed Guuleed (Cawale)

Phone number: 063-4244194 or 036-4417151

Email: cawaale_343@hotmail.com