Man United oo 10 ciyaartoy albaabada u furi doonta sannadka cusub ee 2014

Ciyaaro-(Berberanews)-Warbaahinta Ingiriiska qaarkood, ayaa baahiyay shalay in Man United sannadka dambe ee 2014-ka dareerin doonto inka badan toban laacib, kuwaasoo aannu macallinka kooxdaas ciyaartooda u bogin.

Wareyska Daily Express, ayaa daabacay in Man United oodda ka qaadi doonto Patrice Evra oo la filayo inuu Faransiiska u shiraacdo iyo Fabio Da Silva oo isna qandaraaskiisu dhammaad noqon doono.

Javier Hernandez, Nani, Ashley Young, Anderson, Wilfried Zaha iyo Alexander Buttner, ayuu wargeysku tilmaamay in kooxdan xaraashi doonto, halka Rio Ferdinand la filayo inuu ciyaaraha ka fadhiisan doono.

Qoraalka wargeysku daabacay waxa uu soo baxay, iyadoo Man United kaalmaha hoose kaga jirta horyaalka, isla markaana laga badiyay kulamo badan, 13 dhibcoodna ka hoosaysa Arsenal.

info@berberanews.com

Berberanews.com