MAXAA LOOGA BAAHAN YAHAY MUDAHARAAD

Marka hore waxaan salaamayaa dhamaan bahda warbaahinta madaxa banaan, intaas ka dib waxaan wax yar oo kooban ka odhanayaa Mudaharaadka ay ku dhawaaqeen xisbiyada mucaaradka ee Somaliland waa UCID IYO WADANI.

Waxaa leeyahay laba xisbi mucaarad mudaharaad xal laguma gaadho, dadwayanaha oo la kiciyaa waxba keeno mayso, teeda labad inagu reer somaliland ma naqaano mudaharaadka salmiga ah, waxa dhacda markay aynu is nidhahno mudaharaada inaynu wax badan qaribno, taasna damaanad qaadi maayaan xisbiyada mucaaradku.
Waxaan aad u soo dhowaynayaa go’aanka wasaarada arimaha guduhu ku diidan tahay in mudaharaad dalka ka dhaco, waayo mudaharaadkaasi  wuxuu wax u dhimi karayaa xasiloonida dalka, taaso oo keeni karta in bur bur yimaado, waayo dadkan mudaharaadayaa si selmi ah u mudaharaadi maahaan e waxay samaynayaan inay wax xumeeyaan oo ay fad qalaleeyaan nabada, taasina waata ku kaliftay wasaarada arimaha guduhu inay joojiso mudaharaadka.
Markaa waxaan ku talin lahaa in xisbiyada mucaaradku ay joojiyaan ku dhaqanka wixii xasilooni darro inoo keenaya. Umaha baahnin maanta buuq iyo sawaxan aan macno ku fadhiyin oo ay dhici karto in naf iyo maalba khasaare inaga soo gaadho.
Markaa waxaan leeyahay gudoomiyayaasha labada xisbi waa inay arinkaas ka noqdaan, oo ay la yimaadaan hanaan kaas ka fiican oo wax lagu maarayn karo, maxaa yeelay kani maaha xalkii ugu danbeeyey ee waxa la helayaa xalal badan oo wax lagu xaliyo.
Mudanayaal ka daaya dadka iyo dalkaba kacdoonka aad ka wadaan oo suga wakhtigiina, maxaa yeelay dadkani wuu ka daalay dhibaatada iyo qaska, markaa uma baahnin wixii wax u dhimaya nabada iyo isu socodka bulshada.
Mudanayaal waa labada gudoomiye ee xisbiyada mucaaradka e keena oo la yimaada barnaamij cad oo laydin kaga dayan karo , inta aad ku mashquusheen dacaayadaha iyo xaalad abuurka.
Waad Mahadsantihiin
Qore: Mohamed Hamud Ali
hamudson@gmail.com