Waa Maxay Sababta loo sameynaayo Dhulkii Kawaanka Cusub ee Burco Waxaa bixiyey Maxamed Diiriye Guun

Burco-Waxay ahayd November 28, 2013  , Markii Madaxwayne ku xigeenka Somaliland Md C/raxmaan C/laahi Ismaaciil (Saylici) uu Xadhiga ka jaray , kawaan xoolaha lagu gawraco oo casri ah  oo laga Hirgaliayay magaalada Burco, kaas oo ay maalgalisay hay,ada FAO,”siiba Dawlada Ingiriiska oo ay u

 Fulisay Hay,ada FAO oo aqoon gaar ah u leh kawaanada iyo xanaanaynta xoolaha.

     Hadaba waxaan maalin dhoweyd akhriyey maqaal nin weriye ku sheegaayo,in kawaankaasi  cusub ee madaxweyne ku-xigeenku ka fiuray Burco dhawaan, ay dowlada hoose Burco weyday dhul ay siiso sameynta kawaanka cusub , sidaa daradeed uu muwaadin reer Burco uu isagu bixiyey dhul dhan 200M oo laba jibaaran, oo laga dhisay kawaankaasi “Yaab , qofkii aduunka nooli , geell dhalanaayana waa arkaa .Furitankii Kawaanka Cusub Burco1

Ninka weriyaha sheeganaya hadalkii wuu sii waday , waxuu sheegay inaan xafaladaa lagu xusin , oo maayarka burco iyo badhasdaabka G/Togdheer ay uu quudhi-waayeen inay ka sheegaan furitaankaa in muwaadin Maxamed Diiriye –Guun oo bixiyey dhulka laga hirgeliyey kawaankaa cusub, ninkaa weriyahaa muu ku xusin , magaciisa inuu qoray maqaalkaa lakiin waa la fahmayaa in meel loo sii sameysanaayo kuwaankii hore in si sharci daro ah loo qaato.

       Hadaba aan isweydiino waa  kuma Maxamed Diiriyev-Guun , ninkan wuxuu dadkii cusbaa soo degay Magaalada Burco 1991, waxaanu ka furtay bakhaar alaabta dhismaha  iibiya , guri uu lahaa nin adeerkii ah , iyadoo meel fiican u mareyso, ayuu bilaabay inuu dhul banana ku qabsado , dad degaanka ahaa oo dhul ay ilaa awoowyaashood  lahayeen , taas oo dacwad iyo dagaal badan uu u galay.taas oo ganacsagiisu hoos u dhigtay .

Markii danbe waxuu u xuubsiibtay  dowladdii Madaxweyne Rayaale inuu Udub qabqable uga noqdo taas balanteeda ay rag udub ka tirsani ku dagaalgeliyeen in loo magacaabi doono Badhsaabka G/togdheer laga 2005-2010 waxuu xoolihisii laga gurtay magacaabida Badhasaabkaasi, waxaa uu digreeto madaxweyne ku soo qaatay dhul badhatama wadooyinka ku kulmaan oo loo yaqaano Daahirow is-dhegayso ,kaas  ahaa ninkii dhulkaasi , hawshiisa waday , markii danbe dadka degaanka ayaa arintaasi , gunafka ku dhuftay oo hal bacaadle ka dhigay, hungurigii uu watay.

Hadaba arintan cusub ee Maayarka iyo badhasaabku ay dabada ka riixayaan , ma tahay mid u suurta-geliysa, sababo badan awgeed.

Meeshan kawaanka hore waxay ahayd beer ,oday degaanka lahaanjirey , taas oo dan guud loo qaaday , waraaqaheediina waanu haynaa, haddii dantii laga kaaftoomay ,maayarka ina muraad ma siinkaro , badhasaabka xamarje ma siin karo, dadkii lahaa ayaanu nahay haddii ay ka baxday dantii guud ninkii hore u laaha . ayaa iska leh , taas ayaanu u sheegaynaa madaxda Gobolka iyo Degmada, Maxamed Guun waxaan leenahay , inan yar oo maqaal magaciisa ku soo qori kari waayey , iyo Madaxda Gobolka iyo degmada waxba yaanay lacagi ka dhamaanin meeshan waxay kugu noqonaysaa mar labaad Daahirow Is-Dhegayso

Maayarka iyo Badhasaabkuna yaanay Been kuu sheegin, raggii dhulka lahaa ayaa jooga , haddii dantii guud looga maarmay.

                 -Ilaahay ayaa Mahadleh-

 

Salebaan Faarax Cige

Burco-Somaliland.