Warsaxaafadeed: shirweynihii saddexaad ee bulshadda ka soo jeeda Gobolka Gabiley ee magaalada Bristol.

Warsaxaafadeed: shirweynihii saddexaad ee bulshadda ka soo jeeda Gobolka Gabiley ee magaalada Bristol.

 Bristol-Waxa magaalada Bristol ka qabsoomay shirweynihii saddexaad ee bulshadda ka soo jeeda Gobolka Gabiley ee magaalada Bristol.

 Shirkaas waxaa lagaga hadlay sidii loo mideyn lahaa cududa iyo dhammaan ururada ka soo jeeda Gobolka Gabiley, una xoojin lahaayeen mustaqbalka ururweynaha GARDO.

 Ugu horeyn waxa halkaasi ka hadlay guddoomiyaha ururka GARDO Xasan Xuseen, wuxuuna aad ugu nuuxnuuxsaday waxyaalihii u qabsoomay ururka GARDO muddadii uu joogay oo sanad ah iyo waxa la higsanayo mustabalka, sidoo kale wuxuu mahadnaq u soo jeediyey guddidii soo qaban qaabisay shirweynaha saddexaad ee bulshada ka soo jeeda Gobolka Gabiley.

 Dhinaca kale waxa uu sheegay in loo baahan yahay iskaashi iyo isku aragti sidii gobolka loo baahitiri lahaa iyo guud ahaanba Somaliland.

 Ruqiya Guddoomiyaha GARDO

Waxa kale oo shirka ka hadlay guddoomiye ku xigeen ka GARDO Maxamuud wuxuuna aad ugu mahadnaqay soo qaban qaabiyayaashii shirkan, isagoona si weyn oo mug leh u faahfaahiyey GARDO oo la aasaasay 2001dii iyo waxyaalihii u qabsoomay. Iyada oo ay hadda u ballaadhiyeen si International ah oo ay hadda jirto GARDO FINLAND.

 

Sidoo kale waxa isaguna halkaa ka hadlay Faarax Meygaag oo ah guddoomiyaha HADA (Horn of Africa Development Association) aasaaskii ururka oo ka hawlgal Bristol iyo caqabadihii ka horyimi iyo siday u xaliyeen. Waxqabadka ururka waxa uu sheegay inay 4000 (Afar kun) oo buug u direen Jaamacada Timacadde ee Gobolka Gabiley.

 

Waxa isaguna halkaa ka hadlay Guddoomiyaha garabka dhalinyarada ee GARDO Mawliid Xasan, wuxuuna u mahadceliyey qaban qabiyayaashii shirka iyo martisharafta kale ee halkaa isagu timi, wuxuu ka soo jeediyey khudbad aad u dhaxal gal ah, wuxuuna ku soo gabogabeeyey hadalkiisii “In la kala saaro siyaasadda iyo charity-ga” labadaasina aanay isku meel wada fadhiisan Karin.

 

Dhinaca dumarka waxa iyaguna u hadlay Ruqiya Cabdi Xudhuun iyo Caasha Koos oo si weyn ugu dheeraaday sidii loo horumarin lahaa Gobolka Gabiley khaasatan dhinaca dhallinyarada iyo ciyaaraha, iyagoo xusan in sanadkan loo diyaaro garoobo sidii loo caawin lahaa ciyaartoyga Gobolka Gabiley.

 

Intii shirku socday waxa gabayo dhaxal gal ah ka soo jeedisay Hooyo Khadra Suldaan Ducaale iyo Gaashaan Meecaad oo si weyn dadkii madasha joogay u ruxay.

 

Ugu danbayn waxa shirka lagu go’aamiyey in la sameeyo guddii odayaal oo 5 ah oo la xaajoota dhigooda ay magaalada Bristol wada degan yihiin iyo 13 dhallinyaro ah oo ka hawl gala sidii loo horumarin lahaa Gobolka Gabiley.

Allaa Mahad Leh,

 

Axmed Xasan

Guddoomiyaha Guddida Qaban-qaabada