Waa kuma raysal-wasaaraha cusub ee Somalia?

Muqdisho(Berberanews):- Madaxweynaha Soomaaliya ayaa galabta magacaabay Raysal-wasaaraha cusub ee Soomaaliya yeelanayso, isla markaana xilka kala wareegi doona Rayasal-wasaarihii Baarlamaanku Kalsoonida kala noqday Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) oo isagu weli xilkaas sii haya.

Agaasimaha Madaxtooyada Soomaaliya, ayaa Warbaahinta u akhriyey Wareegtada uu Madaxweynaha Soomaaliya ku magacaabay Raysal-wasaaraha Somaaliya, kaasoo loo magacaabay Cabdiwali Sheekh Axmed.

Sida ay ku soo warramayso Weriyaha Aftahannews ee magaalada Muqdisho Weriye Nasro, waxa uu Madaxweynaha Soomaliya Xasan Sheekh Maxamuud u magacaabay Raysal-wasaare Cabdiwali Sheekh Axmed oo ka soo jeeda Beesha uu ka soo jeedo Raysal-wasaare Saacid.

HALKAN KA AKHRISO