Faa’iidada Ku Jirta Dagaalka Somalia, Askariga AMISOM Ee Ku Dhinta Oo Qoyskiisa La Siiyo (100.000), halka Somaligu yahay dameer bakhtiyay-Warbixin

Faa’iidada Ku Jirta Dagaalka Somalia….Askariga AMISOM Ee Ku Dhinta Dagaalka Oo Qoyskiisa La Siiyo (100.000) Oo Dollar Iyo Askariga Ka Dhinta Dawlada Somalia Iyo Al-shabaab Oo Ku Sifaysan Dameer Bakhtiyey Oo Aan Hal Dollar Laga Bixin.
 
Ciidamada howlgala magaalada Muqdisho ee dalka Soomaaliya ayaa ah kuwa ka socda ururka Midowga Afrika, waxa ay ka mid yihiin ciidamad nabad ilaalinta ee Qaarada Afrika kuwaas oo la unkay kadib, markii ururka Midowga Afrika dib loo habeeyay lagana bedelay magacii ahaa ururkii midnimada Afrika.

AMISOM ayaa ku timi dalabkii Cabdillahi Yussuf Axmed ka jeediyay Adis ababa xarunta AU-da aakhirkii sanadkii 2004-kii markii la doortay kadib, Ciidamada tiraadoogu waxay ahayd in ay gaadho 8000 askari, laakiin ma jirin dalal badan oo ciidamadaasi ku deeqay marka laba reebo Uganda oo ugu horeyntiiba keentay ciidamadii ugu horeeyey, kadibna Burundi.
Ciidamadaasi ilaa iminka lama soo dhamaystirin waxayna hadda gaadhayaan 5200 askari, howsha ciidamadani waxay is bedeshay markii ay dalka ka baxeen ciidamadii Ethiopia, taas oo keentay in AMISOM ay noqoto awooda ay ku tiirsan tahay dowladda Somalia.
AMISOM waxaa lagu eedeeyaa in ay adeegsadaan awood xad dhaaf ah iyo duqayn ay dad badan oo shacab ah ku laayaan taas oo aan waxba ka bedelin hab dhaqanka kooxaha ka soo horjeeda dowladda Somalia.
Ciidamada AMISOM ee ku dhinta ama ku dhaawacma dagaalada Muqdisho waxay helaan hanti aan yarayn sidaas oo kale waxay ciidamadani qaataan lacag mushaar ah oo toban laab ka badan tii ay ku qaadan jireen dalalkooda.
Askariga AMISOM laga dilo waxaa qoyskiisa loo siiyaa mag ahaan lacag gaadhaysa 100,000 (boqol kun oo doolar) sidaas oo kale askarigii dhaawacma isna waxaa la siiyaa lacag dhan 50,000 (Konton kun oo doolar).
Sida uu sheegayo afhayeenka wasaaradda gaashaandhigga ciidamada Uganda Col. Felix Kulayigye ciidamada dhaawacoodu culus yahay waxaa dib loogu celiyaa dalkooda si halkaa loogu baanto, halka kuwii kale ee dhaawacoodu fudud yahay dib loogu soo celiyo Soomaaliya, waxa uu afhayeenku ka hadlayey 21 askari oo ku dhaawacmay qaraxyadii Muqdisho 17-kii Septembar 2009 ee Alshabaab ku qaaday xaruntooda weyn ee magaalada Muqdisho.

Marka aad eegto labadan dal ee Uganda iyo Burundi oo Soomaaliya u soo diray ciidamadooda waxay u muuqdaan in ay ilo dhaqaale u tahay Soomaaliya oo hanti buuran ay ka sameeyaan, dhinca kale Ciidanka Somalida iyo Maleeshiyaadka Argagixisada Al-shabaab ee maalin walba ku dhinta dagaalka Somalia ayaa ah kuwa xataa aan nasiib u helin in si wanaagsan loo aaso, iska daa magdhaw iyo lacag siiyo reerihii ay ka baxeen, waxaana lagu sifeeyaa Dameer Bakhtiyey.

 

By: Osman Abdillahi Sool…..Freelance Journalist. sooldhuub@hotmail.com