Hoggaamiyaha Waqooyiga Kuriya oo deldelay adeerkii

North Korea-(Berberanews)-Madaxweynaha dalka shuuciga ah ee Waqooyiga Kuuriya, Kim Jong-un ayaa dilay adeerkii kaddib markii lagu eedeeyay  inuu doonayay  awoodda dalkaas si xoog ah kula wareego.

Waqooyiga Kuuriya ayaa sheegtay in ay deldeshay Jang Song-taek – oo Adeer u ahaa Hoggaamiyaha dalkaasi Kim Jong-un. Jhang Song-taek ayaa hore u ahaa nin awood badan ku dhex leh dalkaas.

Pyongyang ayaa sheegtay in Maxkamad Millateri oo gaar ah ay Ninkan ku heshay denbi ah in uu doonayay inuu si xoog ah kula wareego awoodda ama talada dalkaasi Kuuriyada Waqooyi.Kuriya

Warkan ayaa sababay in caalamku uu ka walwalo xasilloonida dalkaasi shuuciga ee haysta Hubka Nukliyarka. Madaxweynaha Koonfurta Kuuriya Geun-Hye, ayaa ku eedeeyey Waqooyiga Kuuriya, in ay fuliyeen xukun argegax badan leh.

Billawgii toddobaadkan ayay Ciidan ilaalo ah Jan ka soo saareen shir gaar ah oo uu lahaa Xisbiga talada haye ee dalkaas. Wakaaladda wararka ee Woqooyiga Kuuriya, ayaa sheegtay in Jang Song-taek uu ka xun yahay Xayawaanka Eyga ah sida uu ka aamminsan yahay hoggaamiyaha dalkaasi.