Tababare Arsene Wenger oo heshiiska u kordhinaya Kooxdiisa Arsenal

Arsenal ayaa ku dhow inay heshiiska ukordhiso tababaraheeda Arsene Wenger  kadib markii ay u soo baxeen wareega 16-ka ee Champion Leage-ka.
Arsenal-2047273-540x360 (1)
The Gunners ayaa doonaysa in macalinkan reer France kooxda kusii hayso ilaa sedex sannadood ee soo soocta.
Wadahadalada uu heshiiska ku kordhinayo  Arsene Wenger ayaa miiska saarnaa xagaagan oo dhan, Wargayska Mirror ayaa sheegay in sedexdaas sano uu mushaar ahaann uqaadan doono lacag dhan £24million.
Hase ahaatee macalin Wenger ayaa doonayay in uu heshiis cusub saxeexo marka ay kooxdiisa usoo gudubto wareega 16-ka ee Champion Leage-ka.
Wenger oo haatan ku jira da’da 64 sano ayaa horey usheegay in kooxda uu sii joogayo hadii ay ku qanacsan yihiin taageerayaasha kooxda.
Ninka iska leh milkiyada ugu badan ee Arsenal Stan Kroenke, ayaa doonaya in macalinkan reer France uu sii joogo kooxda, isla markaana todobaadyada soo socotana uu heshiiska kordhin doono
Arsenal ayaa hogaanka horyaalka ku haysa shan dhibcood, inkastoo cabsida ugu xooggan ay tahay in wareega 16-ka lagu aadiyo koox weyn maadaama ay kaalinta labaad kaga soo baxday Group-ka F.