Tababare David Moyes oo bartilaameed ka dhiganaya badalka Vidic iyo Rio Ferdinand

Tababaraha Kooxda Manchester United  David Moyes ayaa bartilmaameed weyn ka dhigan doona difaaca qarabka France iyo kooxda FC Port Eliaquim Mangala.
Eliaquim-Mangala-MAIN-2887900-540x359
Moyes ayaa daawadat qaab ciyaareedka wanaagsan ee ee xidigan kulankii kooxda reer Portugal arbacadii la ciyaartay  Champions League Atletico Madrid.
Manchester United ayaa ku dalban doonta saxexa difaacan aduun lacageed oo gaadhaya  £15 million.
Moyes ayaa wakiilo udiray Portugal, si xidigan loola soo heshiiyo, maadaama uu noqon karo badalka difaacyada da’da ah Nemanja Vidic, 32 jir ah iyo Rio Ferdinand, oo 35 jir ah.
Difaacan Mangala oo 22 jir ah ayaa sidoo kale lala xadiidhinayaa kooxaha Chelsea iyo Barcelona.
Tababaraha Chelsea ayaa diyaar u ah in uu bixiyo lacag ka badan 20M si uu ugu guulaysto dagaalka loogu jiro difaacan adag, halka Barcelona ay doonayso inay ka dhigto badalka Puyol.