Xildhibaan Qabile oo Goleyaasha Sharci dejinta ugu baaqay inay isu diyaariyaan badbaadinta Somaliland

Hargeysa-(Berberanews)-Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile oo ka tirsan Mudanayaasha Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa ugu baaqay Goleyaasha Sharcidejintu inay isu diyaariyaan samata-bixinta Somaliland.

Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile wuxuu sheegay in xaaladaha ammaan darro ee dalka ka dhacayay muddooyinkii u dambeeyay ee uu tilmaamay inqaarkood xukuummaddu gacanteeda ku fulisay, kuwo madaxda xisbiyada lagula kacay iyo kuwo kale.

Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile waxa uu sidaa ku sheegay war-muriyeed uu kazoo saaray magaalada Hargeysa,kaasoo nuqul ka mid ahi soo gaadhay shebekadda Berberanews.com, waxaannu u qornaa sidan;

“Sida uu jidaynayo dastuurka qaranka jamhuuriyada somaliland iyo xeerarku dalku mabanaana in lagula  kaco dil aan shareecadu ku jidayn ruuxnaba, hadaba sida ay bulshadu lawada socoto waxaa si taxana ah caasimada Hargeysa ka dhacayay dhacdooyin ugub ku  ah Somaliland kuwasoo lagu fulinayo  muwaadiniin iyo masuuliyiin qaranka  ah.

Marka aynu dhacdooyinka kuwa ugu dhumcda wayn soo qaadano waxaa kamid ah falkii lagula kacay wargeyska hubaal oo isigu jiray khaarajin nafeed iyo gabood fal sharciga ka dhan ah oo lagula kacay wargeysa hubaal, kalana kulmeen tacadiyo isugu jira xabsi dhigid hawl wadeenadii falkaa lagu lakacay  iyo xayiraad sharci darro ah  oo wargeyska lagu hakiyay hawl maalmeedkiisii in  muddo ah; taasoo kasoo horjeeda dastuurka somaliland gaar ahaan xuquuqda xoriyaadka, xeerka saxaafada iyo xeerka udegsan xuquuqal insaanka.

Waxaa taa kasii layaab badnayd gacan kudhiiglihii fulinaayay falka iyo hubkiisii ee gacanata ay kudhigeen isla markaana ay galiyeen gacanta haayadaha amniga isla markaana katirsanaa ciidamada policeka somaliland, eedaysanahaa oo kadib markuu muddo todoba bilooda kuxidhnaa xabsiga dhexe ee hargeysa loo gudbiyay maxkamada ciidamada qaranka, halkaas oo si aan caqligu qaadan karayn ninka galay danbiga  darajadii usaraysay si sahala oo aan waafaqsanayn shuruucda dalka si ula kaca halkaa looga sii daayay ilaa haddana aan jawaab ukuf ah waxa dhacay aan laga hayn dhinac xukuumada somaliland waax tallaaba ahna aan laga qaadin danbiga laba jibaaran ee marlabaad lagu fuliyay gacantii xuguumada arinkaasoo muwaadin kasta oo somaliland kunool ku qanciyay amaan darada kadaah furatay Somaliland iyo sida looga faraxashay cadaaladii Somaliland .

Dhacdadan xasaasigi ihi ee ka dhanka ah Wargeyskan Hubaal intaa kumay koobnayn, intaa kadib wargayska hubaal wuxuu iclaamiyay mudaharaad salmi ah oo ay dareenkooda ugu gudbinayeen bulshada reer somaliland bahda saxaafada, ururada xuquuqal insaanka, fariin ay sharciga umareena u ahayd xukuumadii foolxumadani dusha usaarnayd waxaa kale arintan daareen warwar leh kamuujiyay xisbiyada mucaaridka ah ucid iyo wadani, si lamida waxaa arintan uqaadaa dhigay ururka solja ee saxaafadu kubahawday iyo haayadaha xuquuqal insaanka  oo dareen taban kabixiyay cakirnaanta xaalada iyo indha adayga  macangagnimadu hadhaysay ee badheedhka ah, waxaan kaloo tusaale usoo qaadanayaa dhacdadii aniga la igu fuliyay fuliyey la iskuna dayay in anniga la igu khaarajiyo ee xaafada jigjiga yare e magaalada hargeysa taariikhdu markii ay ahayd 21/10/2013 oo ay ila socdeen labada nin ee lagu kala magaacaabo axmed maxamed qaalib iyo c/raxmaan axmed huruuf , waxaan qabaa dhacdadani in ay ahayd tii baadhitaankeedu ugu dhaga nuglaa ee ay waxwaliba dabada yimaadeen, iyaba waa ayaan darro jirtee falkan oo dhacsanaa muddo dhan afar iyo lixdan (64) habeen oo aan la horkeenin xeer ilaalinta iyo haayadaha garsoorka oo aan lagaranayn sababta iyo cidda jidgooyada intaa leeg iyo xayirnaanta intaa leeg iska leh waa dareen  looga warwar qabo inuu qaado dhabihii kuwii hore .

Waxaa ayaama kadib lagu xigsiiyay dharaar cad lagu weeray badhtamaha magaalada Hargeysa gudoomiye xigeenka koowaad ee xisbiga kulmiye Mujaahid maxamed kaahin axmed oo ah siyaasi iyo halgamaa magac wayn ku leh somaliland taasoo tiiraanyadii iyo warwarkii bulshada reer somaliland sii dararisay.

Dhacdooyinkan oo lagu matali karo fatah dhagaraysan oo aan kala go lahayn waxaana iyana marag madoona cabbudhinta iyo caga juglaynta lagu hayo saxaafada taasoo maraysa marxaladii ugu danbaysay ee hilfaha ulaabaysay xuquuqda rayi dhiibashada ee distooriga ah iyo xog helida ee bulshada reer somaliland ay haybada ku lahayd islamarkaana doorka kasoo qaadatay geedi socodkii dimuqraadiyada iyo laab furnaanta kudhisnaa , door laf dhabar ahna kasoo qaatay dhismaha bulshada reer somaliland .

Intaa waxa raaca jidgooyadii loo galay xisbga UCID ee gobolka Gabilay taasoo loo adeegsaday ciidamo iyo masuuliyiin qaran  taasoo ay kasoo ifbaxday arrin dib loogu xasuustay waraaqdii dhaqdhaqaaqa ee xukuumadii siyaad barre ee 1982 taasoo ahayd wixii umadda reer somaliland ay ka dagaalantay ee ay naf iyo maalba uhureen, magarowsan karto umadda reer somaliland in sifo sharciga kabaxsan loogu gabood falo iyo xorriyadii ay ku timi dhiiga ubadkooda shuhadadii iyo geesiyaashii u dhul gallay karaamada shacbigan inaanay mardanbe kudhicin kibir iyo tacadi noocana ,ugu danbayn waxaaan ka tacsiyadaynayaa faadumo siciid oo katirsah xisbiga mucaaridka ee ucid gulufkii abaabulnaa iyo hadaladii kabaxsanaa bini’aadanimada ee lagaga abaabulay qaar kamadi gobalada dalka, aniga oo uga mahad naqaya sida anshaxa iyo dulqaadka ku dhisan taasoo muujinaysa bisaylka siyaasadeed iyo heerkeeda aqooneed,waana xiddig dhismaha somaliland ku leh door muhiima .

Haddaba aniga oo aan dhacdooyinkan xusuus mooyee aan wax cusub kubiirinayn fariin culus waxaan halkan uga dirayaa golayaasha sharci dajinta inay simug leh isugu diyaariyaan samata bixinta dalkan iyagoo u maraya dastuurka iyo xeerarka dalka isla markaana fuliyaan xilka iyo waajibaadka kaga aadan dhacdooyinkan naxdinta leh sidoo kale axsaaba qaranka muxaafid iyo mucaaridba in ay meel uga soo wada jeestaan ilaalinta qaranimada Somaliland dalkana meel looga soo wada jeesto lana dhawro laguna dhaqo dastuurka iyo xeerarka udagsan dalka.

Umadda reer somaliland waxaan urajaynayaa midnimo iyo foojignahan , waxaan qormadaydan ku soo geba gabaynayaa tixdan oon is leeyahey munaasib ayey ku tahey marxalada dalku marayo, waana tan soo socota:

 

1.     Jidkii maarkosbuu fananayaa, ficilka muuqdaa

2.     Fidmadaad ka garataa wixii, fool adeyg dhacey

3.     Garashadan filkeedii tagee, feenkii soconaayo

4.     Fardihii dagaalada haween, fuushan baa u baxey

5.     Waxan faras magaalahaka dhaca, labada fiid cawl

6.     Figta inan rageedkii ku timid, lagu fogeynaayo

7.     Eefulaha gaashaanka xidhan, lagu fariideeyey

8.     Fajac weeye xaajooyinkaa, fooska soo baxey

9.     Farrax dheer haduunbey kortiyo, laamo foorara

10.                        Oon dhaqan fayoowiyo, sharcigu fayl cad ku lahayn

11.                        Ma fekero dadweynuhu intuu, fiirsho waayoha

12.                        Hadba felega meeraayabey, faqa ku deystaan

13.                        Dhashii feedho gurankii ku dhacey, fuushey doonyaha

14.                        Filanwaaga yimid baa ugu wacan, finix dhaqaaqaa

15.                        Farshaxan dawladnimo laga carraw,fure aqooneed

16.                        Fadka soo onkoda lagama galo, fooraroow aqal

17.                        Tawfiiqdii fantaa lagu ridiyo, kala faquuq weyn

18.                        Qabiilbaa faruur xidhey waxey, ficil lahaayeen

19.                        Foolaad waxey moodayaan, faaliyiyo tuug

20.                        Runtu waa falaadhaha wax dila, beentu waa faral

21.                        Filisyaa caqliga lagu gadataa, laguna faanaa

22.                        Firdhisiyo waxaa lagu dhex ridey,  fiqinta gaar gaar

23.                        Finku wuxuu ku yaalaa, masuul faaruqoo madhan

24.                        Fiicnaanta wuxuu moodayaa, foolxumiyo boob

25.                        Waa waxa fahiidka ugu waccan, hawl la faaqido

26.                        Sumcadeenii waa waxa fasaqey, fey horuu kaca

27.                        Nin fartiisa aan garaneynaa, nooma faygaro

28.                        Suxufiga wixii lagu fushaa,kaaga filan hawl

29.                        Ruux xumaan u fooftagey, samaan kama fileysaan

30.                        Wuxuu galow fariimaha u direy, fiintuna u ooydey

31.                        Markuu kibirku foondhaaf noqdee, fiiqa sare gaadhey

32.                        Fiidmeer dharaar duusha & fuqaw ka eedaamey

33.                        Aay foosta waxa loo fasaxey, waa farsamo culus

34.                        Waxaan fahamku shaandheynin buu, fooda  ku hayaa

35.                        Foodsaara la’I lama galeen,Faadumooy ucid

36.                        Waa fadeexad Caliyoow nin raga,faagashiyo baqe

37.                        Fadxigiinu wuxuu saran yahey, garasho fiilkeed

38.                        Waxaa loo furdaanshaa mushkilad, feydashiyo toos

39.                        Fursad kuu banaan lama dib dhigo, faalo iyo been

40.                        Hadaaan talo fadhida lagu saleyn, fooshan celinteeda

41.                        Oon talo la fiindheyn,halheys guul u fadal qaada

42.                        Fashiistaa u gacan haadiyiyo, faasiq aan geyin

43.                        Furuqana wax laga qaybiyaa, fooq agteena ah

44.                         Fuyuusyada dareemada, haduu madaxu fooleeyo

45.                        Faro ku hadh wax kuu noqon kara, doodo fiiro leh

46.                        Diigool wuxuu fuliyeybaa, maanta kuu furan

47.                        Anna tixuhu yey ila fidine,waxan ku soo feydey

48.                        Bulshadii fayoobiba marbey, xumo ka foostaaye

49.                        Fadhi & Cabdoow laysla waa, fuudkii yucubeed.”

 

Berberanews.com

Info@berberanews.com