Bariga dhexe Oo Baraf Ka Da”ay Iyo Barakaca 500- oo Qoys Gaza Ka Baxay

Middle East-(berberanews) Dhawr wadan oo ku yaala gobolka Bariga dhexe muddo 100 sannadood ka badan waxaa ka da’aya baraf taasoo keentay in taariikh xasuuseed dib loo eego.

masaajid-america

Qabow kii ugu darnaa ayaa maanta laga dareemayaa magaalooyin ku yaala dalka Syria, Masar,Lebanon iyo dhulka xooga lagu haysto ee Falastiin.

Dhulka barakaysan ee Falastiin ku yaala Falastiin gaar ahaan agagaarka masjidka Qudus wadooyin ku yaala ayaa la xidhay waxaana dadka badankood loo diidan yahay inay banaanka u soo baxaan sababo la xadhiidha roobab baraf wata oo da’ya.

Magaalooyinka Gaza iyo Daanta galbeed ayaa sidoo kale dadka ku nooli dhibaato ka cabanayaan waxaana magaalada Gaza qabow dartiis uga barakacay in ka badan 500 oo qoys sida laga soo xigtay afhayeenka ururka Xamaas Ixaab Ghuzayn Reer Gaza waa markii ugu horeysay oo baraf sidaan u badan ka da’yo muddo 10 sannadooda laga joogo.

Dalka Masar marka la eego taariikhda markii ugu horesay muddo haatan laga joogo 112 sannadood ayaa baraf ka da’aya.

Dadka ku nool caasimada Qahira ayaa banaanka usoo baxay iyaga oo xidhanKoodhadhka ama jaakadaha dhaxanta laga xidho gashan si ay u arkaan barafka da’ya Wadooyinka Qahira baraf badan ayaa daadsan waana ay ku adagtay gaadiidka dadweynaha inay wadooyinka maraan barafka awgii.

Waa xilligii ugu qaboobaa oo soo mara dalka Masar muddo qarni ka badan dadka badankiisna guryaha ayay ku jiraan oo ay isku diirinayaan.

Magaalooyin kale oo ay ka mid yihiin Alexenderia iyo Siinay ayaa sidoo kale baraf badan ka ka da’ay saacidii lasoo dhaafay.

Dekedahii dalka Masar qaarkood ayaa la xidhay waxaana madaxada dekeda ku taala magaalada Alexendaria Caadil Yaasiin Xamaad uu sheegay inay go’aanka xidhista dekedaha ay qaateen si uga fogaadaan in dhibaato ku dhacdo gaadiidka isticmaala.

Xog’hayaha arrimada dibbadda Maraykanka John Kerry oo Bariga dhexe socdaal ku maraya ayaa yidhi “Qabowga halkan ka jira waxaa uu I xasuusiyay gobolkayga Massachusetts ee Maraykanka ku yaala” Dhibaatada ugu daran waxay haysataa qaxootiga Syria ee dalkooda ka barakacay oo la leeyahay waxay u adkeysan la’yihiin qabowga dhacaya Qaxootiga Syrianka ah eek u jira xeryaha ku yaala dalka Lubnan badankood waxay dalbanayaan inay helaan agabyo ay qabowga ka xidhaan.Falsstiin Masjidka-Qudus masaajid-america Qudus-2 cairo-2 pct