Maydka Nelson Mandela oo loo duuliyay Tuuladii uu ku dhashay

South Africa-(BBC/Berberanews)-Nelson Mandela ayaa loo qaaday meshii lagu duugi lahaa barri. Diyaarad sidda maydkiisa ayaa ka duushay garoon milatari oo u dhow magaalada Pretoria, iyadoo u socota bariga Cape.

Mandela ayaa lagu aasayaa tuuladii uu ka yimid ee Qunu. Sida caadadu tahay wiilka uu awoowaha u yahay Nelson Mandela ayaa la socda diyaarada. Xaaskii Mandela, Graca Mandela iyo xaaskiisii hore Winnie waxay la socdaan diyaarad kale.

Kumaanaan kun oo ka tirsan xisbiga ANC ayaa ku qabtay xus ay ku sagootinayaan hogaamiyahooda garoonka.

Madaxweynaha Koonfur Afrika Jacob Zuma, ayaa ku tilmaamay Mandela nin hanuuniyay dib u heshiisiin oo cafiyay dadkii xumaanta ku sameeyay.

maydka