Qaraxyo ka dhacay Magaalada Gaarisa

Kenya-(Berberanews)-Inta la xaqiijiyay waxaa geeriyoodey hal qof, dhawr qof oo kalena waxaa soo gaadhay dhaawacyo xun, ka dib markii xalay laba qarax oo waaweyn lala beegsaday Suuq ku yaal magaalada Wajeer dalka Kenya.
Ciidammada Booliska Kenya oo dhacdadan ka hadlay, ayaa sheegay inay xaaladoodu liidato dadka ku dhaawacmay qaraxyadan is xigay ee lala beegsaday Wajeer, waxaanay intaaku dareen in laga yaabo weerarkan fulintiisa inay geysteen kooxda Al-shabaab ee xidhiidhka la leh urur weynaha Al-qaacida.
Kooxda Al-shabaab ayaa weeraro is-dabajooga ka fuliyay dalka Kenya tan iyo intii ka dambaysay gelitaanka ciidammada Itoobiya ee Dalka Somalia.
Berberanews.com
info@berberanews.com