Ururka SOLJA oo tallaabo fool xun ku macneeyay xayiraada boolisku saaray xarunta Wargeyska HUBAAL

Hargeysa-(Berberanews)-Hoggaanka sare ee ururka SOLJA ayaa tallaabo fool xun oo aan loo dulqaadan karin ku macneeyey xayiraada boolisku saaray xarunta Wargeyska HUBAAL iyo xadhigga laba hawl-wadeen oo ka tirsanaa oo maalintii labaad ku jira Saldhigga Dhexe ee Hargeysa, kadib markii ciidammo boolis ahi xoog kula wareegeen galabnimadii Jimcihii.

Gufdoomiye-ku-xigeenka ururka SOLJA Mr. Maxamed Cabdi Curad oo ka hadlayey shir jaraa’id ay ku qabteen Hargeysa maanta, waxa uu ka dayriyey ammaanka saxaafadda Somaliland, waxaannu yidhi, “Waxaannu bulshada u sheegaynaa oo ra’yi caamka, hay’adaha xuquuqal iisaanka iyo kuwa madaxabaannanba u sheegaynaa inaanay saxaafadda madaxabanaan ee Somaliland haysan nabadgalyo xoriyad ku filan, waxa taas daliil u ah dhacdada Hubaal daba socota, iyadoo aad moodo in garsoorkii noqday hay’ado lagu kala aar-goosto.

Hubaal April ayaa la weeraray, dadkii weeraray oo midkood la qabtay ciidanka ayaa lagu wareejiyay, waana la sii daayay iyadoo garsoor iyo caddaalad marin, halka dhibbanihii cabanayey loo raaciyay in xaruntiisii la xayiro.”

“Haddii ay sii socoto in dhibbane cabanaya tacadi loogu daro waxay kelifaysaa in hay’adaha warbaahinta iyo suxufiyiintu is-difaacaan oo ay gabbood samaystaan, annagay nagu khasbantahay, iyagay ku khasbantahay, haddaan xukumaddu si deg-deg ah uga qaadin tallaabo,” ayuu yidhi Maxamed Cabdi Curad.

Sidoo kale, Xoghayaha Guud ee Ururka SOLJA Maxamed-rashiid Muxumed Faarax, ayaa isna sheegay in xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo burburisay nidaamkii dimuqraadiyadda iyo xorriyatal-qowlka ee Somaliland ku soo caano-maashay.

“Madaxweyne dimuqraadiyaddii iyo xoriyatul-qawlkii Somaliland gurigaagaad ku aastay, 21-kaa sanno xukumaddihii Cabdiraxmaan Tuur, tii Marxuum Cigaal iyo tii Daahir Rayaale may dhicin dacwad aan la qaadin oo maxakamad iyo Xeer-ilaalin Xayiraad u soo qorto, meesha la isku haysto ayaa xayiraada loo qoraa. Waxay ahayd in boolisku haddii ay wargeyska Hubaal ka cabanayaan maxakamad u furtaan oo markay dambi ku hesho xayiraad saarto. Waxaanu leenahay Madaxweyne waxaad ku dhaqantaa dastuurka aad Madaxweynaha ku tahay, waxaad ixtiraamtaa qodobka 32-aad ee xorriyada hadalka,” ayuu yidhi Xoghayaha SOLJA Mr. Maxamed-rashiid.