Xil. Saleebaan Cali Koore Oo Ka Digay Mid Ka Mid Ah Murashixiinta Puntland Oo Ku Soo Fooleh Taleex Iyo Dagaal Mar Kale Ka Qarxa Halkaasi

Hargeysa, December, 14, 2013, (Berberanews)- Xildhibaan Saleebaan Cali Yuusuf Koore oo ka mid ah Mudaneyaasha Golaha Wakiilada Somaliland, ayaa ka digay in uu mar kale dagaal ka qarxo deegaanka taleex oo uu dhowaan ku soo foolleeyahay Raysal Wasaarihii hore ee Somalia oo u sharaxan Madaxtinimada Maamulka Puntland oo dhowaan tegay Badhan.

Saleebaan Cali Koore oo isaga oo jooga Magaalada Laascaanood Khadka Telefoonka ugu warraamay Wargeyska Saxansaxo, ayaa waxa kale oo uu sheegay in ay caawimadii loogu talo galay deegaamadaasi ugu dhiibeen odayaal ka soo jeedaa deegaankaasi, isla markaana ay talo iyo warbixno u keeni doonaan xukuumadda Somaliland Xildhibaan Salebaan Cali Yuusuf Koore oo arrimahaasi ka hadlaya waxa uu yidhi “Illaa hadda fariinta aanu gudbinay iyo waxa aanu qabanay waxa weeyaan deegaanka taleex dhibtii ka dhacday, in laga gaadho talo iyo qaabkii aanay arrintu u baahdeen oo intaa wax ka xumi aanay uga dheceen, in aanu isku dayno inaanu gudbino fariintaas, in mucaawimadii ay Somaliland u keentay deegaankaas ay gaadhaan, in aanu fariimihii xukuumadda ula iman doono wixii talo iyo tusaale ee aanu u aragno inay xal u tahay deegaankaas” Saleebaan Cali Koore oo hadalkiisa sii watay waxa uu yidhi “Anagu maanaan gaadhi dhinaca taleex waxaanu iska daba dirnay odayaal iyo weftiyo badan, waxaananu ugu dhiibnay Ofdayaal wixii dawladdu nooogu soo dhiibtay, taladayaduna waxa weeyaan wixii deegaankaas ah ee Somaliland ku aadan inaanu soo gudbino si la isaga yimaado, waxaanan faah faahin doonaa marka aan hargeysa imaado”

Xildhbaan Saleebaan Cali Yuusuf Koore oo ka hadlayey ujeedada isaga geysay halkaasi waxa uu yidhi “Aniga ka xildhibaan ahaan Dawladda Somaliland ima dirin, Siyaasad ay Dawladda Somaliland leedahayna Sool kuma joogo, laakiin ka shaqsi ahaan ayaan markii ay dhibaatadu dhacday aanu u soo kacay, iyo dad badan oo dhaawac ahaa oo illaa Hargeysa iyo Laas-caanood qubnaa, Imikana waxa Taleex ku soo jeeda Cabdiweli gaas oo waxa ay abuuri kartaa dhibaato tii hore u dhacday la mid ah, badhanna wuu tegay meelo badan oo kalena wuu tegay, waxaanay ila tahay waa wax xildhibaan ka wayn taasi, dad dal dheeganaya oo xuduudo leh ay waxaas oo kale ka dhacaan, waxaanay u baahan tahay in Xukuumadda Somaliland iyo umadeeduba wax iska waydiiyaan oo talo qaran laga yeesho, waxaan ugu baaqayaa in Somaliland marka loo eego imika sida xuduudeheedii looga tartamayo in loo baahan yahay in talo qaran laga yeesho oo la isaga yimaado oo go’aan laga gaadho, waana mid distoori ah”