Aaska Madaxweynihii Hore ee Koonfur Africa, Nelson Mandela-Daawo sawirro

K.africa-(Berberanews)-Madaxweynihii hore ee dalka Koonfur Afrika, Nelson Mandela oo muddo toddobaad laga joogo ku geeriyooday magaalada Johannesburg ayaa maanta lagu aasay deegaankii uu ku dhacay ee QUNU oo ka tirsan gobolka Eastern Cape.

Maydka Mandela ayaa waxaa galbiyay ciidammo gaar ah oo loogu talogalay iyadoo markii loo qaadayay godka lagu aasayo loo riday madaafiic lagu maamuusayo, waxaana inta aan la aasin goobta ka hadlay madax Afrikaan ah iyo siyaasiyiin kale oo ay isku dhaaweyeen.

“Nelson Mandela waxaad na bartay inaan xallinno khilaafadyada oo aan dalkeenna ka dhigno mid horumarsan… waxaad na bartay inaan ka samarno carada iyo aar-gudashada… waxaad na siisay rajo iyadoo aysan rajo jirin,” eryadan waxay ka mid ahaayeen hadal uu goobta ka jeediyay madaxweynaha dalka Koonfur Afrika, Jacob Zuma.

as6 as4 as3 as2 as1