Faahfaahin Dheeraad ah oo ka soo Baxaysa Qarax Xalay Gilgilay Caasimada Kenya Ee Nairbi

Nairobi (berberanews.com) ugu dambeeyay Qarax xalay ka dhacay Magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa la sheegayaa inuu sii kordhay khasaarihii ka dhashay qaraxaasi, iyadoo qaraxaasiuu ka dhashay gaari bas ah oo maraye xaafada Soomaalida ay dagto ee Islii.

bas_kenya_qarxis_4

Booliska Kenya ayaa shaaciyay in qaraxaasi ay ku dhinteen inta la ogyahay ilaa afar ruux , iyadoo qaraxaasi dadka ku dhintay ay ahaayeen dhamaantood dad shacab ah oo gaariga Baska saarnaa.

Waxaa sidoo kale la xaqiijiyay in dhaawacyada ka dhashay qaraxaasi ay gaadhayaan ilaa 25-ruux oo shacab ah kuwaasi oo la dhigay Dhaqtarka si xaaladooda caafimaad wax looga qabnaayo.

Ruux la hadlay saxaafadda oo qaraxaasi ka badbaaday ayaa sheegay inuu ka maqlay qarax weyn gudaha Baska lagu magacaabo Matatu oo ay saarnaayeen dad badan oo shacab ah.

Dhinaca kale Booliiska Kenya ayaan ilaa iyo hada hadal toos ah kasoo saarin qaraxan xalay ka dhacay Magaalada Nairobi ee dalka Kenya oo qal-qalgeliyay Soomaalida ku nool dalkaasi.

bas_kenya_qarxis_2 bas_kenya_qarxis_3bas_kenya_qarxis_5bas_kenya_qarxis_1