Xukuumadda oo beenisay warbixin qaldan oo Mr. Nickals Kay ka gudbiyey Somaliland

Hargeysa-(Berberanews)– Xukuumadda Somaliland, ayaa beenisay war-bixin khaldan oo uu Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Mr. Nickals Kay ka gudbiyey Somaliland, waxaanay kula talisay inuu iska hubiyo wararka uu ka sheegayo dal aannu xafiiskiisu ka jirin.

Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibada iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland Md. Mawliid Maxamed Ibraahim shir jaraa’id maanta ku qabtay xafiiskiisa isagoo daba socday warbixin Mr. Nickals Kay u jeediyey Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo uu ku sheegay in khilaafka siyaasadeed ee Somaliland uu gaadhay heer siyaasiyiinta mucaaradka oo uu ka mid yahay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada xabsiga la dhigo.

“Hadalka Nickals Kay ku sheegay war-bixintiisa ee ahayd in qaar ka mid ah mucaaradka (Somaliland) dalka lagu xidhay, wax ka jiraa ma jiraan, intii xukuumaddani jirtayna qof mucaarad ah la xidhay oo jeelka loo gudbiyey may dhicin, waayo waxaynu qaadanay habka dimuqraadiyadda oo aan ka noqosho lahayn, waxaanan u soo jeedinayaa in Nickals kay uu iska hubiyo marka war-bixintaas oo kale loo soo gudbiyo oo uu iska xaqiijiyo,” ayuu yidhi Md. Mowliid Maxamed.mawliid

Waxa kale oo uu Wasiir-ku-xigeenku sheegay in aannu xafiiska Ergayga Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay oo uu warbixintiisa kaga hadlayey ka furnayn Somaliland, isla markaana aan loo ogolayn, waxaannu yidhi, “War-bixintiisa waxa uu kaga hadlay xafiiskiisa UNSOM oo aan ilaa hadda ka furnayn (Somaliland), taasi oo sababtii aannu u diidnayna ahayd mid cad, maadaama oo aannu xafiiskiisu ka shaqaynayn waxyaabaha aynu innagu doonayno ee uu ku shaqeynayo lixda qodob ee dawladda Soomaaliya ku shaqaynayso, taasi waynu diidnay, laakiin waxaynu ogollaanay dhinaca caawimada, sida UNDP, UNICEF iyo wixii kale ee hay’addo UN ah jooga ee horumarka inagala shaqeynaya oo isaga hoos yimaada.”

Berberanews.com

info@berberanews.com