Booliska Kenya oo soo bandhigay Sawir ay la xidhiidhinayaan Weerarka dhacay Nairobi

Kenya-(Berberanews)-Ciidammada Booliska Kenya waxay soo bandhigeen sawirka wiil Soomaali ah oo ay la xidhiidhiyeen qarax 6 qof ku dhintay oo lala beegsaday bas dad shacab ah siday magaalada Nairobi.

Wiilkan oo magaciisu yahay Xuseen Nuur Maxamed, waxaa lagu soo oogay inuu ahaa maskaxda ka dambaysay qaraxaas lala beegsaday baska ay saarnaayeen dad Soomaali u badan.

Taliyaha ciidanka booliska Kenya David Kimaiyo oo warbaahinta u soo bandhigay sawirka Xusseen Nuur ayaa ku tilmaamay in uu yahay shakhsi loo baahanyahay inuu sharciga horyimaado si su’aalo loo waydiiyo.

 sssssss

Waxaa uu sheegay in wiilkan eedaysanaha ah horay loogu eedeeyay falal argagixiso balse markii dambe dammaanad lagu sii daayay isagoo sheegay in loo jaray waaran lagu soo xidhayo goor sii horraysay maadaama uu imaan waayay maxkamadii dhagaysanaysay dacwadiisa.

 

Taliyaha Ciidammada Kenya waxa uu ka codsaday shacabka inay booliska gacan ka siiyaan sidii loo soo qaban lahaa wiilkan oo da’diisa lagu sheegay 21 sano.

Berberanews.com

info@berberanews.com