Isku aadka Wareega 16ka Champions League Iyo Waliba 32ka Iyo 16ka Ee Koobka Europa League Oo La Soo Saaray, Tolow Sidee Laysugu Dhacay?

Cayaaro-(Berberanews)-Waxaa xilli dhow magaalada Nyon ee dalka Switzerland lagu qabtay isku aadka wareega 16ka Champions League, waxaana ka soo baxay kulamo xiiso badan halka kooxaha qaar ay heleen kulamo ka sahlan kuwii ay filayeen.
Kulanka ugu xiisaha badan ayaa ah kooxda ay ugu horeyso wareegan 16ka ee Champions League Manchester City oo lugta hore soo dhaweyn doonta kooxda Barcelona, kulankaan ayaana ah kulanka la is dhihi karo waa midka isha lagu heyn doono.
Sidoo kale kooxda difaacaneysa koobkaan ee Bayern Munich ayaa lugta hore ee wareegaan u safri doonta Arsenal iyadoo labada kooxood ay isa soo arkeen xilli ciyaareedkii hore isla tartankaan.
 
Tababare Jose Mourinho ayaa helay wixii uu rajeynayay iyadoo ay iska horimaanayaan halyeeygiisii hore Didier Drogba marka Galatasaray iyo Chelsea ay iswajahaan.
Man United ayaa isku aad sahlan heshay waxaana ay lugta hore ee wareega 16ka booqan doonaan kooxda Gariiga ee Olypiakos, halka kooxda heysata todobada jeer Champions League ay ka badbaaday kooxaha waa weyn laakiin waxaa ku soo aaday kooxda haatan ka muuqata La Liga ee Atletico Madrid.
Kooxda ceyrsaneysa koobkeeda 10aad ee Champions League Real Madrid ayaa iyadana heshay isku aadka yara fudud waxaana ay wareega 16ka wajahayaan kooxda reer Jarmal Schalke.
Lugta hore ee wareega 16ka waxaa la ciyaari doona 18ka iyo 19ka iyo 25ka iyo 26ka ee bisha Febraayo, halka lugta labaad la ciyaari doono 11-12 iyo 18-19 March.
Isku aadka wareega 8da ayaa isna si gooni ah loo qaban doonaa 21ka March, halka Semi-finalka isku aadkiisa isna si gooni ah loo qaban doono 11ka April. Koobka Finalkiisa waxa uu ka dhacayaa garoonka Estįdio do Sport Lisboa ee Benfica 24ka May.
Isku Aadka Wareega 16ka Oo Dhameystiran:
Manchester City v FC Barcelona
Olympiakos v Man United
AC Milan v Atletico Madrid
Bayer Leverkusen v PSG
Galatasaray v Chelsea
Schalke v Real Madrid
Zenit v Borussia Dortmund.
Arsenal v Bayern Munich
 

Isku Aadka Wareega 32da Iyo 16ka Ee Koobka Europa League 

 
 
Waxaa goordhoweyd la soo saaray isku aadka wareega 32da iyo 16ka ee Europa League iyadoo kulamo xiiso leh ay ka soo baxeen.
Kooxda Tottenham oo dhawaan iska ceyrisay tababaraheeda AVB ayaa waxa ay wareega 32da wajihi doontaa Dnipro, halka Swansea iyo Napoli ay sidoo kale is arkayaan. Juventus ayaa mar kale ku laaban doonta Turkiga iyagoo wajahaya Trabzonspor.
Dhanka wareega 16ka Lazio iyo Valencia ayaa macquul ay tahay inay isku arkaan wareega 16ka haddi ay ka soo baxaan wareega 32d.
Tottenham haddii ay ka soo gudubto Dnipro wareega 32da waxaa laga yaabaa inay wareega 16ka isku arkaan Benfica oo wareega 32da la ciyaareysa PAOK.
Juventus haddii ay ka soo talaabsato kooxda Turkiga Trabzonspor waxa ay wareega 16ka ku dhici kartaa Fiorentina kuwaasoo wareega 32da la ciyaaraya Esbjerg.
Kulamada wareega 32da waxaa la ciyaari doonaa 20ka iyo 27da February, halka wareega 16ka la ciyaari doono 13ka iyo 20ka March.
Isku Aadka Wareega 32da Europa League:
Dnipro v Tottenham
Real Betis v Rubin Kazan
Swansea v Napoli
Juventus v Trabzonspor
Maribor v Sevilla
Viktoria Plzen v Shakhtar Donetsk
Chornomorets v Lyon
Lazio v Ludogorets
Esbjerg v Fiorentina
Ajax v FC Salzburg
Maccabi Tel-Aviv v Basle
Porto v Eintracht Frankfurt
Anzhi v Genk
Dynamo Kiev v Valencia
PAOK v Benfica
Slovan Liberec v AZ Alkmaar