Munaasibad loo sammeeyay Xil-wareejinta Isu-duwaha Cusub ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Saaxil

Munaasibad loo sammeeyay Xil-wareejinta Isu-duwaha Cusub ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Saaxil

Berbera-(Berberanews)-Isu Duwaha Cusub ee Wasaarada Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Gobolka Saaxil, Mustafe Maxamed Cilmi Maanta Xilkii Si Rasmiya Ugala Wareegay, Isuduwihii hore ee Wasaarada Dhalinyarada iyo Ciyaaraha ee Gobolka Saaxil Shaafici Jaamac Aadan  oo isagu Xilkaa Mudo Hahey.

Xafladan oo ka Dhacday Xarunta Dhalinyarada Ee Magaalada Berbera, ayaa waxaa ka soo Qaybgalay Maamulka Gobolka Saaxil, oo uu ugu horeeyo Gudoomiyaha Gobolka Saaxil, Cali Maxamed Cilmi, Qaar ka Mida Isu Duwayaasha Gobolka, Dhalinyarad Kooxaha Heererka kala Duwan ee ka Dhisan Magaalada Berbera, iyo Marti Sharaf kale oo Tiro Badan.

Isuduwihii hore ee Wasaarada Dhalinyarada iyo Ciyaaraha ee obolka Saaxil Shaafici Jaamac Aadan oo isagu halkaa ka hadlay ayaa waxa uu ka waramay Waxqabadkii mudadii uu Xilka hayey, iyo Marxaladahii kala duwanaa ee ay Wasaaradu Soo Martay.

“Waxaanan anigu masuuliyada ahaan ciyaraha gobolka saaxil usoo qabtay wax badan oo isugu jira koobab ciyaareed oo aanu qabanay oo aanan tiro kusoo koobi Karin iyo tayada ciyaaraha gobolka oo aanu meel hoose kasoo qaadanay intii kaarankayaga aheyd reer berberana waa ka markhaati”ayuu yidhi.

 

Isu Duwahii hore ee Ciyaaraha Gobolka Saaxil, waxa kale oo uu Xusay in uu Maamulka Cusub Ee Ciyaaraha Uu la Shaqayn Doono waxaana uu yidhi,

 

”Waan la shaqaynayaa wax alaale iyo wixii layga baahdana diyaar ayaan u ahay gobolkuna waa gobolkaygii Sidii hore aan ugu soo shaqayay si kawacan ayaan ugu shaqayn doonaa Insha Allah diyaarna waan u ahay,  waxaana uu ugu danbayn halkaa ka sheegay in uu maanta Isu duwaha Cusub ku wareejinayo Kooxo Ciyaareed oo ka kala Kooban Heerka Koobaad iyo Heerka Labaad oo isu Duuban, waxaana uu Gunaanadkii kula Dardaarmay Maamulka Cusub inuu Shukaanta Maamulka u qabto.

 

Isu Duwaha Cusub ee Wasaarada Dhalinyarada iyo Ciyaaraha  Mustafe Maxamed Cilmi ( Mustafe Qanjo) Oo Isna Halkaa Ka Hadlay ayaa ka codsaday Guud ahaan Bahda Ciyaaraha Gobolka Saaxil, In Xilkaa Laygu Duceeyo In Alle Ii Fududeyo , Dhalintana Waxaan Ka Codsanayaa Inay Ila Shaqeeyaan, waxaana uu intaaa ku daray in Uu Halkaa ka sii wadi doono isla markaana uu doonayo inuu bilaabo qaybo ciyaareed oo lagu dar dar galinayo Ciyaaraha Uu Bilaabo Doono.

 

Gunaanadkii Gudoomiyaha Gobolka Saaxil Cali Maxamed Cilmi, ayaa ku booriyey Guud ahaan Bahda Ciyaaraha Gobolka Saaxil, in ay La Shaqeeyeen Isuduwaha Cusub sidii ay ula shaqayn Jireen Isu Duwe Shaafi, waxaana uu Xusay In ay iyaguna Maamul ahaan Dhinacooda la shaqayn Doonaan

Berberanews.com

Berbera, Saaxil

info@berberanews.com