Urur-Goboleedka IGAD oo Safiir cusub u magacawday Somalia

Berberanews-Urur Goboleedka IGAD, u magacaabay Maxamed Cabdi Afey, safiirka urur-Goboleedka IGAD ee Soomaaliya, sidaana waxa lagu sheegay war-murtiyeed kooban oo ay maanta soo saartay IGAD.

Xoghayaha Fulinta ee Urur Goboleedka Igad Ambassador Mahboub Maalim, ayaa  ammaanay Safiirkooda cusub ee Soomaaliya, isagoo intaa ku daray in ay wada shaqeen la yeelan doonaan.

Danjiraha cusub, ayaa waxa uu ka mid ahaa Xildhibaanada Baarlamaanka Kenya, wixii ka dambeeyay bishii March ee sanadkaan.afay

Ambassador Affey, ayaa sanadkaan ahaa Safiirka Dowladda Kenya ee arrimaha Soomaaliya, wuxuuna hawl wadeenn ka ahaa shirkii nabadeynta ee Soomaalida uga socday Magaalada Mbagathi.

Berberanews.com

info@berberanews.com