Xildhibaan Siciid Cilmi oo xukuummadda iyo Xisbiyada ugu baaqay inay Faro-gelinta ka daayaan Golaha Wakiillaada

Hargeysa (Jam/Berberanews)-Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble oo ka mid ah mudanayaasha Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa ugu baaqay xukuumadda talada haysa iyo xisbiyada qaranka in aanay wax farogelin ah ku sameeyn arrimaha khuseeya golahooda.

Md. Rooble oo khadka telefoonka Jamhuuriya ugu warramay shalay, waxa uu beeniyey inuu ku biiray xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI, balse waxa uu caddeeyey inuu Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ku taageersan yahay isku shaandhayntii uu ku sameeyey guddi-hoosaadyada golaha.

Caddadkii wargeyska Ogaal ee soo baxay shalay, ayaa lagu baahiyey in Md. Siciid Cilmi Rooble ka baxay xisbigiisa KULMIYE, kuna biiray WADDANI, isagoo xildhibaanku warkaas ku tilmaamay mid aan waxba ka jirin, hase ahaatee uu Guddoomiye Cirro ku taageersan yahay hawlaha hoggaaminta Golaha Wakiillada.

\ “Arrintaas (ku beerista WADDANI) haba yaraatee wax ka jiraa ma jiraan. Anigu kama bixin oo xisbigayga KULMIYE ayaan ahay, waxase dhacay ee sawirkan loo qaatay ayaan idiin sheegayaa; arrin gaar u ah golahayaga (Wakiillada) ayaa dhacay oo ahayd isku shaandhayntii guddoomiyuhu ku sameeyey guddi-hoosaadyada, taasoo ka dhalatay shirkii albaabadu u xidhnaayeen ee goluhu yeeshay intii aannu kalfadhigii hore dhammaan, kaasoo goluhu dhexdiisa isku waraystay, guddiyadana loo saaray, la iskuna raacay in guddiyada la isku wada shaandheeyo. Markaa go’aankaas golaha ah ee la isku wada raacay ayuu fuliyey Guddoomiyaha Wakiilladu, wuxuuna isku shaandhayn ku sameeyey guddi-hoosaadyadii oo dhan, sidaasna waannu ku aqbalayn, kadibna guddoomiye-ku-xigeenka 1aad ayaa diiday inuu isku shaandhayntaas aqbalo, aniguna waxaan ka mid ahay ragga ka xaqaanay tallaabada guddoomiye-ku-xigeenku ku diiday isku shaandhayntii guddoomiyuhu sameeyey, waanan ku taageeray Guddoomiye Cirro xilkaas uu gutay ee isku shaandhaynta sida distoorka iyo xeer-hoosaadka Golaha Wakiilladu tilaamamayo,” ayuu yidhi Md. Siciid Cilmi Rooble.

Waxa kaloo xildhibaanku sheegay in murannada ka taagan Golaha Wakiilladu tahay mid u gaar ah golahooda, laakiin aanay ahayn mid khusaysa xisbiyada qaranka, waxaannu yidhi;

“Cabdiraxmaan Cirro waa Guddoomiyaha Golaha Wakiillada, dhibaatada taallaana waa dhibaato gole. Maaha mushkilad xisbiyo ah. Markaa haddaan guddoomiyahayga Golaha Wakiillada ku raacay go’aankiisa isku shaandhaynta guddi-hoosaadyada golaha, ma aha macnaheedu xisbiga WADDANI ayaad gashay oo aad ku biirtay.”

Dhinaca kale, Md. Siciid Cilmi Rooble, waxa uu ku baaqay in Guddoomiyaha Golaha Wakiillada loo daayo, loona daba fadhiisto hoggaaminta golaha, isagoo tibaaxay in khilaafka ka dhashay isku shaandhayntii guddi-hoosaadyadu yahay mid u gaar ah golahooda oo aanay habboonayn in cid kale ku farogeliso.

“Arrintaasi waa mid u taal Golaha Wakiillada, goluhuna wuu ku qaybsamay, aniguna waxaan ahay ragga aaminsan in guddoomiyuhu ku saxsan yahay isku shaandhaynta uu ku sameeyey guddi-hoosaadyada, arrintaasna waa in loo daayo oo loo daba fadhiisto guddoomiyaha, goluhuna wuu isku raacsan yahay, laakiin inyar baa qabta fikir naga leexsan.

Waxa qurux badan oo aan ku talin lahaa in Guddoomiyaha Golaha Wakiillada loo taayo talada golaha oo aanay xukuumaddu soo farogelin, xisbiyada kale ee KULMIYE iyo WADDANI-na aanay na soo farogelin, maadaama arrintu tahay mid gole.”

Sidoo kale, waxa uu Guddoomiye Cirro iyo labadiisa ku-xigeen kula taliyey inay si gaar ah u dhammaystaan khilaafka dhexdooda oo aanay cid kale ku soo farogelin, maadaama murankoodu la xidhiidho arrimo gole, isla markaana aannu jeclayn in cid ka baxsan soo farogeliso.