FA-da Ingiriiska oo dacwada ku soo oogtay laacibka Arsenal Jack Wilshere

Cayaaro(Berberanewsaspots) Xidhiidhka kubada cagta dalka Ingiriiska ee FA ayaa dacwad ku soo oogay Qadka dhexe ee kooxda Arsenal Jack Wilshere kaddib markii uu ficil xun u muujiyay taageerayasha Man City kulankii 6-3 lagu soo xaaqay Gunners.

330097_heroa-540x374

Wilshere ayaa taageerayaasha City farta dhexe u taagay taasi oo ah ficin xun marka la fasiro kaddib markii garsooraha ciyaarata uu ka diiday in koorno loo dhigo taageerayaashuna ay ku oriyeen.

Falkan ma aysan arkin saraakiishii ciyaarta dhex dhexaadinayay waqtigaas laakiin muqaalada Tv-yada ayaa cadeynta arinkaasi muujiyay iyadoo taasi ay ku hogaamin karto Welshere in la ganaaxo.

Wilshere ayaa sugi doona in uu ka jawaabo eedeyntan ilaa iyo biri oo ay taariikhdu tahay 18 december ka hor intuusan wajihin ganaax macquul ah in lagu rido.

War ay soo saareen FA-da ayaa lagu yidhi: “Wilshere waxa ay FA ku soo eedeysay fal ansaxa ka baxsan kaasi oo aan horay looga arkin kulamada horyaalka Premier League”.

Si kastaba waxaa macquul ah in ugu yaraan la ganaaxo hal kulan kaasi oo noqon kara kulanka ay Chelsea kula ciyaari doonaan garoonkooda Emirates ee Magaalada London