Gareth Bale Oo Dhaawac Ku Seegaya Kulanka Copa del Rey Ee Real Madrid

Cayaaro-(Berberanews)-Tababaraha Real Madrid Carlo Ancelotti ayaa shaaca aka qaaday in Gareth Bale uu seegi doono kulanka habeen danbe ee Copa del Rey ee ay la ciyaarayaan Olimpic de Xativa dhaawac awgiis.

338017_heroa

Kooxda Santiago Bernabeu ka dhisan ayaa barbaro goolal la’aan ah la kulantay lugta hore ee wareega 32da, waxaana ka maqnaan doona xiddigooda reer Wales marka ay isku dayayaan inay tikidh u goostaan wareega 16ka.

 

Bale ayaa dhaawac uu ku soo gaalay tababarkii shalay, waxaana bedeli doona Angel Di Maria kulanka manta ka dhacaya caasimada Spain.

 

“Gareth waxaa soo gaadhay dhaawac yar tababarkii shalay, diyaarna uma noqon doono kulanka arbacada” ayuu Ancelotti ku sheegay shirkiisa jaraa’id ee shalay.

 

“Di Maria ayaa qaadan doona booskiisa line-upka. Angel si fiican uma aanu ciyaarin kulankii Osasuna, laakiin waxa uu heli doonaa furad kale arbacada.”