Guddoomiyaha Wakiillada Somaliland oo sheega tallaabada u qorsheysan haddii xilka laga tuuro

Hargeysa-(Jam/Berberanews)–Guddoomiyaha Golaha Wakiillada, ahna hoggaamiyaha xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa shaaca ka qaaday tallaabada u qorshaysan haddii loolanka lagula jiro sababo in laga qaado xilka guddoomiyenimo ee Wakiillada.

Md. Cirro waxa uu sidaa ku sheegay waraysi dhinacyo badan taabanaya oo uu Jamhuuriya ku siiyey xafiiskiisa shalay, isaga oo sidoo kalena deedafeeyey in wax khilaaf ahi u dhexeeyo isaga iyo madaxtooyada, isla markaanna aanay jirin cid waanwaan iyo dhexdhexaadin ka dhex wadda isaga iyo Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo).

Waraysigaas oo guddoomiyaha Golaha Wakiillada wax lagaga waydiiyey arrim kala duwan oo ay ka mid yihiin; wadahadalladii u socday dhigiisa Golaha Guurtida, ismaandhaafka u dhexeeya golihiisa iyo Madaxtooyada, khilaafka kala qaybiyey golihiisa ee u dhexeeya isaga iyo labadiisa ku-xigeen, warbixintii Wakiilka Qarammada Midoobay u gudbiyey Golaha Ammaanka ee lagu sheegay in xukuumaddu xidhay Guddoomiyaha Wakiillada Somaliland, qaddiyadda shirka doodda qaran ee xukuumaddu saska ka qaadday, kaftan-wadaagga ka dhexeeya Guddoomiyaha xisbiga UCID iyo  arrimo kale oo xiiso badan waxa uu u dhacay sidan:

Jamhuuriya: Guddoomiye, waxa muddooyinkii u dambeeyey soo ifbaxayey in khilaaf u dhexeeyo adiga iyo Madaxtooyada, maxaa sababay arrimahaas?

Guddoomiye Cirro: Runtii waxaan odhan karaa aniga iyo Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland khilaaf na dhexyaalaa ma jiro, haddii aad idinku (weriyayaasha) faahfaahin i siinaysaan war uma hayo, laakiin ma ogi kamana war-qabo Madaxtooyada Somaliland iyo aniga shakhsiyan khilaaf na dhexyaala kama warqabo.

Jamhuuriya: Guddoomiye, muddo badan Madaxweyne Siilaanyo waxaad ahaydeen saaxiib siyaasadeed, maxaa keenay in khilaaf la idin dhexdhexaadiyaa uu dhexdiina ka dhaco?

Guddoomiye Cirro: Madaxweyne Siilaanyo cidina isu kaayo keenimayso, shaqo ayaa naga dhaxaysa, mar haddii shaqo naga naxaysa mar kasta waxaan awood u leeyahay oo waan u tagi karaa, markaa cid isu kaayo gaynaysa ama isu kaayo ergaynaysaana ma jirto, taasina waa sidaasi.

Jamhuuriya: Ma jiraa in uun wax wadahadal ah oo idiin socda adiga iyo Madaxweynaha?

Guddoomiye Cirro: Arrimo laga hadlayo oo doodda qaran iyo waxaasi ka mid yihiin way jiraan, laakiin aniga iyo isaga (Madaxweynaha) wax shaqsi ah oo naga dhexeeya ama cid isu kaayo-geynaysaa ma jirto.

Jamhuuriya: Mudane, Cirro waxaad tahay siyaasi diblumaasi ah, dad badanina waxay kugu sheegaan arrimo badan oo jira diblumaasiyad in aad u qariso oo aanad sheegin, taasi maxaad ka leedahay?

Guddoomiye Cirro: Anigu waxaan is leeyahay wixii jira waad sheegtaaye, waxa weeye sidaad u jeceshihiin ayaanan u sheegin ayaa laga yaabaa.

Jamhuuriya: Waxa dhawr jeer bannaanka u soo baxay in la abaabulayo mooshin ka dhan ah xilkaaga guddoomiyenimo ee aad ka hayso Golaha Wakiillada, arrintaa ka warran?

Guddoomiye Cirro: Horta mooshin la keennayna ma jiro, dhaqdhaqaaq muuqda oo aan anigu arkayna ma jiro, laakiin muddaba idinka ayaa saxaafaddii ahe ilaa sannadkii u dambeeyeyba way soo jirtay guddoomiyaha waa la ridayaa iyo waa laga tuurayaa ee wax maanta oo keliya bilaabmay maaha, haddana wax soo midho-dhalay oo aynu aragnay ma jiraan, wixii yimaada ayuun baynu arki doonaa, laakiin waxaan hadda ogahay, cid gaar ah oo aan hadda tilmaami karaa iyo wax golaha la keenay mid ma jiro.

Jamhuuriya: Haddii ay dhacdo in lagaaga adkaado loollanka la sheegayo inuu ka dhan yahay xilkaaga guddoomiyenimo, maxaa kuu qorshaysan?

Guddoomiye Cirro: Waxa ii qorshaysan in aan sharciga aqbalo oo aan ku dhaqmo, guddoomiyaha xilka sifo sharci ah ayaa lagaga qaadi karaa, haddii uu sidaasi noqdo go’aankaa waan qaadanayaa, markay noqoto arrin sharci ah oo dariiqeedii soo martay.

La soco caddadka berri qayb kale oo waraysigan ka mid ah oo aad u xiiso badan.