Kooxda PSG Oo 40 Milyan Ku Doonaysa Laacib Ka Kooxda Juventus Paul Pogba

Cayaaro-(Berberanews)-Warar ka imaanaya France ayaa sheegaya in kooxda PSG ay doonayso laacibka ree France ee u ciyaara kooxda Juventus ee dalka talyaaniga Paul Pogba  iyagoona xoogooda isugu gayn doona sidii ay kulasoo wareegi lahaayeen laacib kan 20 jir ka ah, wararka ayaa intaa ku daraya in kooxda PSG ay isku diyaarinayso inay lahortagto dhigeeda Juventus lacag xoog leh si ay ugu qanciyaan inay ka iibiyaan laacib kan muhiimka u ah kooxda reer talyaani.

Pogba-432x300

Kooxda PSG ayaa diyaar u ah inay ku dalbato laacib kan 40 milyan oo Euro, iyadoo laga yaabo inay lacag kale sii raaciso madaama kooxda Juventus ay adagtahay in gacantooda laga bixiyo Pogba oo ay si bilaash ah ku heleen.

 

Laacib kaan waxaa indhaha ku haaya kooxo badan oo ree yurub ah, hadii ay kooxda Juventus ogolaato inay iska fasaxdo laacib kaan waxaa laga yabaa inay helaan lacag kabadan inta uu diyaar ka la yahay nin ka reer Qatar Naasir AL-Khalifa ee iska leh kooxda PSG.