RAAD-RAACA Fadeexadaha Xukuumadda Siilaanyo Qarannimada Somaliland Ku Hagar-daamaynayso

Fadeexadda No. 1: Musharax Cabdi Weli Gaasna Badhan ha Lagu soo Dhaweeyo, Musharax Jamaal Muj. Cali Xuseenna Gabiiley Ha Loo Diido!

Akhiristayaal, faallo uma baahna. Qoraalkani waa taxane si kooban ugu soo ban-dhigidoona Fashilaadaha ama fadeexadaha is-dabajoogga ah, faallada aana u baahnayn ee Xukuumadda Somaliland maanta talada u haysaa wadanka ku hagardaamaynayso. Fadeexadda koowaad waxa ay soo bandhigaysaa qodobka kor ku qoran. Idinka ayaa ka faalloondoona.
Sida aad la socotaan xukuumaddu waxa ay si badheedh ah isu hortaagtay Musharaxa Madaxweynaha JSL ee Xisbiga Qaran ee UCID ka sharaxan Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen oo u dhashay dalka Somaliland abaal weyna ku leh horumarka Somaliland oo wax badan usoo qabtay. Waa Musharax rasmiya oo Xisbi kamid ah Xisbiyada Qaranku uu doortay. Aabihiina wuxuu ahaa Mujaahid Cali Xuseen oo magac iyo meeqaam sare ku lahaa Dibu-Xorayntii Somailand.
Dhinaca kale, waxa isna magaalada Badhan ee gobolka Sanaag si diiran oo aan loo kala hadhin loogu soo dhaweeyey Musharax Cabdiweli Gaas oo maamul-goboleedka Somaliland dhulkeeda ku haysta madaxweyne uga sharaxan. Musharax Cabdiweli waxa soo dhaweeyey madaxdii Gobolka Badhan waxaana caalamka oo dhan laga daawaday isaga oo dhex mushaaxaya magaalo-madaxda Gobolka Badhan ee Somaliland ka tirsan caleemo qorana loo lulayo iyada oo aan loo kala hadhin yar  iyo waayeel oo xattaa caruurtii Iskuulada loo fasaxay soo-dhawayntiisa. Waxa soo dhaweeyey madax-dhaqameedkii, masuuliintii dawladda iyada oo booliiska Somalilandna ammaanka sugayey.
 
Waxa weliba kasii daran in khudbadihii meeshaas laga jeediyey oo sacab iyo xamaasadi ka muuqatay khaas ahaan marka uu Musharuxu ku nuuxnuuxsaday in uu maamulka Puntland soo gaadhsiin doono Gobolka Badhan iyo meelaha kale ee qabiilka Harti dego ee gobolada bariga Somaliland.
NASIIB-DARRO, xattaa kelmadna lagama hayo xukuumadda Somaliland. Wax tallaabo ah oo ay ku horjoogsanayso ama hanjabaadna ah lagama hayo. Marka Gabiileyna loo diiday Musharaxii Somalilanderka ahaa, Badhanna loo ogolaaday kii Puntland in uu ku jala-buteeyo. Maxaa kuu baxay?
Dhacdadani waxa ay kamid tahay fashilaadaha TAXANAHA ah ee aan kusoo bandhigidoono qoraallo is-dabajoog ah. Anigu kuma darsanayo faallo ee caqligaaga la kaasho!
 
 
Diktoor Cumar Cismaan
Dubai, Emirates