Somaliland oo ka guuraysa isticmaalka tamarta deegaanka dhibaatada ku haysa

Hargeysa(Berberanews):-Madaxwayne Ku-xigeenka Somaliland Md Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa maanta ka dayriyey khatarta dhuxushu ku hayso dhirta, waxaanu sheegay in 80% dhirtii Somaliland laga shiday dhuxul, taasina ay keentay in wakhti dhow dhulku isku rogi doono lama deggaan, haddaan xal lagaga hor-tago xaalufintaas la helin.

1525232_590418684360343_271334109_n1

Madaxwayne Ku-xigeenka oo maanta ka hadlay Bandhigga Cilmiga Tamarta Somaliland oo Wasaaradda Macdanta iyo Tamartu ku soo bandhigtay Huteel Maansoor ee magaalada Hargeysa. “Tamarta dhuxushu waa ta isticmaalkeedu ugu badan, wakhtigan xaadirka ahna waxay noqotay mid dadka dhalinyarada ah iyo reer miyigu ay nolol maalmeedkooda kala soo baxaa.” Sidaa ayuu yidhi Md. Cabdiraxmaan-Saylici.

Madaxwayne Ku-xigeenka Somaliland oo hadalkiisa sii wataa waxa uu intaa ku daray oo uu yidhi; “Waxaynu ka war-qabnaa in labaatankii sannadood ee u dambeeyay gubista dhirtu burburisay 80% dhirtii ama geedkeennii waynaa, taasoo dhul-daaqsimeedkii Xoolaheennu ku noolaayeen ku reebtay Xaaluf, Xooluhuna waa kuwa aynu 80%  dhaqaale ahaan ku tiirsannahay, iyadoo Xoolaha lagu qiyaaso in dalkeenna uu ka soo galo dhaqaaluhu 80% dhoofinta iyo ka ganacsiga xoolaha.” ayuu yidhi.

“Waxa intaasi dheer ciddii caafimaadka qabtay ee wax lagu beeri lahaa in ay qaadeen Biyaha Roobku, kuna daray badaha, taasoo ay sabab u tahay dhulka la qaawiyey ee dhirtii hayn lahayd laga shiday dhuxusha, taasina waxay keentay inuu afar laabmo nabaad guurka ku yimid dhulkeena 30-kii sanadood ee u dambeeyay, iyadoo natiijadu noqotay in wakhtiga dhow uu dhulkeenu isku bedali doono lama degaan.” Sidaa ayuu yidhi Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici).

Berberanews.com

info@berberanews