Tevez: Waan ka quustay ka qeybgalka Koobka Aduunka 2014ka

Cayaaro-(Berberanews)-Weeraryahanka kooxda Juventus Carlos Tevez ayaa iska diiday in Argentine uu la aadi doono Koobka Aduunka 2014ka Brazil lagu qaban doono, inkastoo qaab ciyaareed aad u fiican uu ku soo bandhigayo kooxdiisa.

351195_heroa-600x338-540x304

29 jirkan oo wali xulkan aan u safan tan iyo intii uu macalin u noqday Alejandro Sabella ayaa 11gool ka dhaliyay tartamada oo dhan kooxda Juventus ee difaacenysa horyaalka Serie A, iyadoo ay u danbeysay sadaxleydii uu todobaadkan ka dhaliyay kooxda Sassuolo.

Tevez oo quus ka muujiyay in tababaraha xulka Argentine Sabella uu ugu yeedhi doono World Cup

Inkastoo uu yahay ninka labaad ee horyaalka ugu gool dhalinta badan marka laga soo     t ago laacibka Fiorentina Giuseppe Rossi, Tevez ayaa fileyn in uu ku laabto xulka Argentine oo uu 62 ciyaarood u saftay ciyaartii ay ka hortageen Uruguay Copa America 2011kii.

“Uma maleynayo in goolasha aan dhalinayo ay ku qancin karaan tababare Sabella in uu iigu yeedho Koobka Aduunka”. Tevez ayaa sidaasi u sheegay Tuttosport.

Tevez ayaa sidoo kale sheegay in ay ka go’an tahay in Juventus uu ku gacan siiyo sidii markii sadaxaad oo xidhidh ah ay ugu guuleysan la heyd horyaalka Serie A islamarkaana uu isagu u noqon lahaa goolal dhaliyaha ugu sareeya horyaalka Talyaaniga.