Riek Machar: Afgembi kama samayn Juba

Jubba-(Berberanews)-Madaxweyne kuxigeenkii hore ee Koonfurta Suudaan ayaa beeniyay inuu qeyb ka ahaa afgembi ay dowladda sheegtay inay fashilisay.

Riek Machar ayaa sheegay in dowladda madaxweyne Salva Kiir ay doonayso inay qalalaasaha socda u adeegsato inay meesha ka saarto dadka ka soo horjeeda.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay inay ka walwalsan tahay xaaladda Koonfurta Suudaan.

Madaxweynaha Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa sheegay in rabshadaha ka socda Jamhuuriyada Koonfurta Sudan ay isu badali karaan dagaal sokeeye.

Gerard Araud ayaa BBC-da u sheegay in ay heleen warar sheegaya, in ku dhawaad 400 ilaa 500 oo ruux ay ku dhinteen isku dhacyada wadankaas ka billowday Axaddii.

Xerada Qaramada Midoobay

Waxaa uu intaa ku daray in 20,000 oo ruux ay ku qaxeen xero ay Qaramada Midoobay ku leedahay caasimada dalkaas ee Juba.

Madaxweynaha Koonfurta Suudaan Salva Kiir Mayardit ayaa horey u sheegay in militeriga dalkaas uu fashiliyay afgembi ay qabanqaabiyeen siyaasiyiin ay iska soo horjeedaan.

Riek Machar

Tan iyo markaas waxaa Juba lagu xiray ugu yaraan 10 ruux oo horey wasiirro uga soo noqday dalkaas.

Koonfurta Suudaan ayaa xornimadeeda ka qaadatay Suudaan-ta kale sanadkii 2011-ka, kaddib tobanaan sano oo labada dhinac ay dagaallamayeen.

Salva Kiir

Xiisad ayaa ka aloosnayd dalkaas tan iyo bishii toddobaad ee July xilligaas oo madaxweyne Salva Kiir Mayardit uu xilka ka qaaday madaxweyne kuxigeenkiisii hore Riek Machar.

Machar ayaa horey u sheegay inuu doonayay inuu Kiir kula tartamo doorashada madaxweynenimo ee la qaban doono sanadka 2015-ka.

SPLM

Machar ayaa ka soo jeeda qabiilka Nuweer ee ku eedeeyo qabiilka Kiir ee Dinka inay talada isku koobeen.

BBC