Bayaan ku socda Suldaan Cabdillaahi Suldaan Cali

Ku: Suldaan Cabdillaahi Suldaan Cali, suldaanka guud ee beesha Habar Jecle
Ujeeddo: Biyamaal Maxamed
Suldaan Cabdillaahi, nabad iyo bariidin.
Suldaan Cabdillaahi, qoraalkaygan gaaban ugama jeedo tilmaan, ama taariikh ka sheekayn, oo adiga ayaa taas nooga marjac ah; oo ehelkeedana ah. Laakiin waxa warqaddan igu dhaliyey oo kali ah, dareen iyo damaq tolleed, oo beesheenna Biyamaal Maxamed ku aaddan.
Biyamaal Maxamed, oo Habar Jecle ah, oo Aadan Maxamed, Yeesif Maxamed iyo Nuux Maxamed la dhashay, oo la walaal ah, ayay beel ka gardarani, ay duullaan ku tahay. Waxa tolkeen, halkeer ka helay, cadow aan masaakiin u naxaynin, oo aan Alla ka baqanaynin.
Suldaan Cabdillaahi, beesheennii Biyamaal Maxamed, waa lagu duulley, oo waa la weeraray. Deegaankeedii, maatideedii, beeraheedii, xoolaheedii iyo hantideedii, ayaa dab la galiyey. Dad damac dhulleed leh, ayaa guryaheedii dab qabadsiiyey, oo biri-ma-geydadeedii rasaas la dhacay, oo ubadkeedii baqdin galiyey. Sababta ay ka leeyihiinina, waa si ay dhulkeeda uga qaxiyaan, ama ay u gumaadaan; oo ka dibna ay iyagu u dhaxlaan.
Beeshan duullimaadka waddaa i, waxa ay ogtahay, inay xabbaddii dhacdaaba ay iyaga – waa Biyamaal e – ay ku dhacayso, hantidii gubataana ay iyaga – waa Biyamaal e – ay ka gubanayso; sidaa daraadeed ayay hub kasta iyo saannad kasta ba, ay ugu isticmaalayaan, oo ay ula dhacayaan.
Suldaan Cabdillaahi, waan ognahay, inuu waqtigii la isku soo duulli jirey, ee la isqabsan jirey, ee la isduudsi i jirey i, inuu dhammaaday. Laakiin nasiib darradu waxa ay tahay, waxa aan halkeer ka jirin, oo aan wali ka hirgalin, xukun dawladeed, oo xaq soor ah, oo caddaalad sugeeen ah.
Suldaan Cabdillaahi, fadlan u hawl gal, sidii aad xaqa ugu hiillin lahaydeen, ee aad baadilka u xakamayn lahaydeen, ee aad daandansigan u hor joogsan lahaydeen, ee aad deegaankan u nabadayn lahaydeen.
Nabad gal.

Maxamed Sheekh Daahir
sheekhdaahir@yahoo.com