Madaxweyne Siilaanyo oo aqbalay qabashada Shirka Dood Qaran oo uu sas ka qabay

Hargeysa(Berberanews):- Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa la sheegay inuu markii ugu horraysay aqbalay qabashada Shirka Doodda Qaran ee ay Xisbiyada Mucaaridka ah ee UCID iyo WADDANI hore ugu baaqeen, kaasoo ay Madaxxweynaha iyo Xukuumaddiisu si weyn uga soo horjeesteen, isla markaana ku tilmaameen Qaran-dumisnimo.

Aqbalaadda Madaxweyne Siilaanyo ee qabashada Shirka Doodda Qaran ee Mucaaridku wado qaban-qaabadiisa oo ay Xukuumaddu sas ka qaadday, ayaa ka dambaysay kulan ay maanta xarunta Madaxtooyada ee magaalada Hargeysa ku wada-yeesheen Madaxweynahe Axmed-Siilaanyo, Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ahna Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), Guddoomiyaha Golaha Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan (Saleebaan-gaal) iyo Xaaji Cabdikariin Xuseen Yuusuf (X. Cabdi-Waraabe).

Kulankaas oo ahaa kulan laba geesood ah, ayay ka Odayeeyeen Guddoomiyaha Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan iyo Odayga Somaliland Xaaji Cabdikariin Xuseen Yuusuf, isla markaana waxay ku guulaysteen inay is-hor-fadhiisiyaan Madaxweyne Siilaanyo iyo Guddoomiye Cirro, kuwaasoo la sheegay inay kulankaa kaga wadahadleen arrimo kala duwan oo dhawr ah.OLYMPUS DIGITAL CAMERA

Ma jiro war rasmi ah oo ay Madaxtooyada iyo dhinacyada kale ka soo saareen natiijada kulankaas, hase-yeeshee, ila-wareedyo kulanka si dhaw ula socday, ayaa Shabakadda wararka ee Aftahannews u xaqiijiyey in Madaxweyne Siilaanyo iyo Guddoomiye Cirro qodobbo kala duwan oo dhawr ah ka wadahadleen, kuwaasoo warku sheegay inay ugu muhiimsanaa qodob ay aad marka hore ugu kala fogaayeen oo ah qabashada Shirka Doodda Qaran ee ay Labada Xisbi Mucaarid ku hawlan yihiin.

Halkan ka akhriso Warkoo dhammaystiran