Taxanaha Dhacdooyinkii Islaamka Iyo Mandela : W/Q : Caydaruus Sheekh Cumar.. Q:1aad

Berberanews-Iyadoo Bulshada Caalamku ku jirto Baroordiiqda Halgamaagii Madoobaa Iyo Madaxweynihii Hore ee wadanka Koonfurta Afrika Nelson Rolihlahla Mandela, oo dhawaan ku geeriyooday gurigiisa oo ku yaala caasimada Johannesburg, 15 kii Bisha Decemberna Lagu aasay Isla Magaaladaasi , waxaynu qormadeenan ku soo qaadan doonaa , dhacdooyinkii taariikhda gallay ee xidhiidhadii soo dhex maray Hogaamiye Mandella iyo Dunida Muslimka kuwoodii ugu muhiim sanaa.
Xusuusahan oo aanu badi ka xiganayno xog ay baahisay Idaacada Cii Radio Maalintii Jimcihii, December 6. Waxa ku jira, oo qoraalada kamid noqon doona , qoraal yeedhmo ah oo sheekh Islaam ahi u diray Nelson Mandela , kaas oo uu ugu baaqayay inuu Islaamka Soo gallo si uu u magangalo Maalinta Dambeysa. Ugu horeynse waxaynu ku bilaabi doonaa : –

Mandela and islam

Nelson Mandela Oo Booqday Xaafada Muslimiintu ku Badan Yihiin ee Bo Kaap Magaalada Cape Town Sanadii 1992-kii
Maalin Salaasa ah oo bisha March ay tahay 17, Sanadii 1992 kii , wuxuu booqasho ku tagay Mandela xaafada Muslimiinta ugu badan ku noolyihiin magaalada Cape Town ee Bo Kaap , halkaasna wuxuu kulamo kula qaatay hormoodkii Muslimiinta Xaafadaas oo ay kamid ahaayeen, Taariikh yahan  Achmat Davids iyo  Allah ha u naxariistee Sheekh Nasiim Muxamed oo ahaa Madaxweynihii Golaha Cadaalada Muslimiinta S. Afrika.
24 March 1993: `Madaxweynihii Ururka ANC Nelson Rolihlahla Mandela oo Farxadda Ciida Darteed Hambalyo u diray Mulimiinta
Ciidul Fidridii 1993 kii , Dhambaal hambalyo ahaa oo uu u soo diray Muslimiinta ku jirtay Dabaal dega Ciida , wuxuu Mandela ku yidhi , “Waxaan Waligay ahaa mid saaxiib dhow la ah Hambalyeynta Muslimiinta – Sidii Caadada ahaydna waxaan idinku salaamayaa magaca Nabada.”
Mandela wuxuu fariintiisaas ku amaanay hanaankii ay Muslimiintu u cibaadaysanayeen bishii Barakaysnayd ee Ramadaan  “Adkaysigii iyo Ixtiraamkiinii intii lagu gudo jiray Soonka waxay noqon doontaa mid wadankan ku leh Maamuus iyo sharaf .”
Ugu dambeyntii, wuxuu dhambaalkiisa ku soo afmeeray , “Anigoo ku hadlaya Magaca Gudiga joogtada ah ee ururka ANC iyo dhamaan magaca xubnaha kale ee ururka,  waxaan idiin rajaynayaa dhamaantiin “ Ciid wanaagsan iyo in maalintu idiin noqoto mid farxadeed.”
9 May 1994: Khudbadii caanka noqotay ee Nelson Mandela ka Jeediyey Fagaaraha  Grand Parade, Xafladdii dhaarinta Madaxwenaha Qaranka, 9 May 1994…………….
La Soco …….