Heshiis Kordhintii Liverpool Iyo Luis Suarez Oo Daaqada Ka Baxay.

Macalinka kooxda Liverpool Brenden Rodgers ayaa Beeniyey oo daaqada ka saaray wararka sheegaya in kooxdiisa wada hadalo heshiis kordhin ah kula jirto weeraryahankooda halista ah ee Super Suarez.
 download (6)
Warar soo baxayey ayaa sheegayey in kooxda reer Merseyside ay wada hadalo la biloowday xiddigan heerka caalami ee xulka Uruguey si uu baaqi ugu sii ahaado kooxda, waxa kale oo la sheegayey in laga dhigi doono xiddigii ugu mushaharka badna Abid taariikhda ee soo mara Liverpool.
 
Iyada oo hadaba ay soo baxayaan wararkaas sheegayey in Reds bangiyada u jabin doonto Suarez oo ay Asbuucii jeebka dambe ugu shubi doonto £200,000, ayaa waxaa hada Beeniyey macalinka Reds Brenden Rodgers oo qiray in aan jirin wax wada hadal ah oo xilligan u socda Liverpool iyo Suarez.
” Maya Gebi ahaanba ma jiraan wararkaas heshiisk kordhinta ayuu Rodgers ku yidhi Shirkiisi Jaraa’id ee shalay.
” Keliya waxaa diirada u saaran kubadiisa cagta ayuu sii dabo dhigay.
Suarez ayaa xilli ciyaaredkan Liverpool u saxeexay 17 gool tartamada horyaalka England, waxayna hadalkaRodgers niyada u dhisaysaa kooxaha xiddigan ku raadjoogay oo ay ugu horeeyeen Arsenal Iyo Real Madrid.