Kooxda Arsenal oo loo sheegay qiimaha ay ku iibsan karto Weeraryahanka Diego Costa

Arsenal ayaa khuburo daawata u dirtay weeraryahanka kooxda Atletico Madrid Diego Costa kulankii habeen hore  kooxdiisu u ciyaarayay Koobka loo yaqaan Cope Dal Rey ee dalka Spain.
article-2525854-1A21B36200000578-910_634x412-540x350
Diego Costa ayaa si fiican ugu ciyaaray kooxda La Liga kaalinta koowaad kula jirta Barcelona isaga oo dhaliyay goolal badan islamarkana gool dhalinta la hogaaminaya Ronaldo.
25 jirkan ayaa loo arkaa in uu wax badan ku soo kordhin karo kooxda ka dhisan Waqooyiga London ee Gunners iyaga oo ay isku raaceen in lagu soo daro kooxdaasi.
Laakiin su’aasha taagan ayaa ah Arsenal ma bixin kartaa qimaha lagu burburin karo heshiiska xidigan ee gaareysa 32 milyan ee gani.
Dad badan ayaa rumeysan iy Diego Costa uu lacag intaasi ka badan u qalmo maxaadama uu waxtarkiisu aad u badan yahay.
Costa ayaa dhaliyay 22 gool 21 kulan oo uu xilli ciyaareedkan u dheelan kooxda ka dhisan caasimada, waxaana ku jira 17 gool oo uu ku dhaliyay 16 ciyaarood oo horyaalka La Ligaha dalka Spain.
Laakiin Costa ayaa saxeexay heshiis cusub kaasi oo ku eg tan iyo 2018ka, waxana qadaraaskaasi lagu burburin karaa hanti gaadheysa 32 milyan oo gani.
Kooxda Arsenal ayaa horay ugu guul dareysatay in la soo wareegto Luiz Suarez xagaagan laakiin marka waxa ay dooneysaa in ay weeraryahan xoogan keento garoonka Emirtes.