Malleeshiyo Daacad u ah Madaxweyne-ku-xigeenkii Koonfurta Sudan oo qabsaday Magaalo muhiim ah

Jubba-(Berberanews)-Fallaagada daacadda u ah madaxweyne kuxigeenkii hore ee Konfurta Suudaan, Riek Machar, ayaa qabsaday magaalo madaxda gobolka Jonglei ee Bor.

Dagaalka u dhexeeya ciidammada dowladda Koonfurta Suudaan iyo kooxaha ka soo horjeeda ayaa socda in kasta oo dowladdu horey u sheegtay inay gacanta ku hayso dhamaan magaalooyinka dalka.

ss

Gobolka Jonglei

Duqa magaalada Bor ayaa BBC-da u sheegay in magaalada ay ka jirto cabsi ballaaran iyadoo uu dagaal culus ka socda bartamaha magaalada.

Waxaa uu sheegay in taliyihii militeriga ee degaankaas uu ka goostay ciidammada dowladda.

sss ss

Wadahadal nabadeed

Madaxweynaha Koonfurta Suudaan Salva Kiir Mayardit ayaa sheegay inuu diyaar u yahay in wadahadal uu la galo ninka ka soo horjeeda ee Riek Machar, si loo soo afjaro dagaallada.

Kiir ayaa horey ugu edeeyay madaxweyne kuxigeenkiisii hore Riek Machar inuu ka dambeeyay afgembi dhicisoobay oo uu sheegay in dalkaas uu ka dhacay.

Machar ayaa warkaas beeniyay, isagoo sheegay in Kiir uu rabshadaha u adeegsanayo si uu u qariyo fashilka dowladdiisa.

Xiisad siyaasadeed

Koonfurta Suudaan ayaa xornimadeeda ka qaadatay Suudaan-ta kale sanadkii 2011-ka, kaddib tobanaan sano oo labada dhinac ay dagaallamayeen.

Xiisad ayaa ka aloosnayd dalkaas tan iyo bishii toddobaad ee July xilligaas oo madaxweyne Salva Kiir Mayardit uu xilka ka qaaday madaxweyne kuxigeenkiisii hore Riek Machar.

Machar ayaa horey u sheegay inuu doonayay inuu Kiir kula tartamo doorashada madaxweynenimo ee la qaban doono sanadka 2015-ka.

Machar ayaa ka soo jeeda qabiilka Nuweer ee ku eedeeyo qabiilka Kiir ee Dinka inay talada isku koobeen.

Kumanaan kun oo ruux ayaa ka qaxay magaalooyinka ay ka socdaan dagaallada waxayna haatan ku sugan yihiin xarumaha Qaramada Midoobay ee dalkaas.

BBC