Qaaradaha Afrika iyo Asia oo suxufiyiintii ugu badnayd lagu dilay sannadkan

Berberanews-Sannadkan 2013 ayaa la sheegay in lagu dilay caalamka oo dhan 71 suxufi, kuwaasoo la toogtay xilli ay ku jireen howlahooda shaqo, sida lagu sheegay warbixin uu soo saartay  ururka suxufiyiinta aan xuduudda lahayn ee RSF.

Tiradan ayay RSF sheegtay inay 20% ka yar yihiin tirada suxiyfiintii 2012 la dilay, waxayna intaas ku dartay in sidoo kale ay 129% ay ka badan yihiin kuwa la afduubay sannadkiii hore, iyadoo xustay inay weli khataraha lagu hayo suxufiyiintu yihiin kuwo sare.

Qaaradda Afrika ayay sheegtay in sannadkan lagu dilay 23 wariye, halka Qaaradda Aasiya iyadana lagu dilay 24-suxufi, kuwaasoo ay sheegtay inay yihiin goobaha ugu badan ee sannadkan lagu dilay suxufiyiinta.

Dalalka Suuriya, Soomaaliya iyo Pakistan ayay hay’addu sheegtay inay ku jiraan weli dalalka ugu khatarta badan ee suxufiyiinta lagu dhibaateeyo. Iyadoo sheegtay in dalalka ay kusoo biireen Hindiya iyo Filibbiin, halka lagu dilay sannadkan dalalka Baraasiil iyo Meksiko shan wariye oo keliya.

Wariyeyaasha sannadkan naftooyada waayay ayay RSF sheegtay in 40% lagu dilay dalalka ay colaaduhu ka jiraan iyo kuwo kale, sida Soomaaliya, Suuriya, Maali, gobollo ka tirsan Hindiya, Bankistaan iyo dalka Ruushka.

Sidoo kale, ha’yaddu waxay sheegtay in wariyeyaashan ay dileen ciidammo hubeysan oo isugu jira kuwo Islaamiyiin ah, booliis iyo ciidamada amniga, iyadoo 96% ay wariyeyaasha sannadkan la dilay yihiin rag.

Inkastoo sannadkan tirade wariyeyaasha la dilay ay aad uga yar yihiin kii ka horreeyay ee 2012, haddana hay’addu waxay sheegtay inay sare u kaceen farriimaha hanjabaadda ah ee loo dirayo wariyeyaasha, kuwaasoo intooda badan ka imaanaya dhinacyo is-haya iyo maleeshiyooyin hubeysan.

Sannadkan 2013 ayaa sidoo kale waxa la afduubay 87 suxufi, kuwaasoo lagu afduubay dalal ku yaalla bariga dhexe, waqooyiga Afrika. Dalalka Suuriya iyo Liibiya ayaa la sheegay in sannadkan lagu afduubay 14 wariye. Warbixinta RSF ayaa sidoo kale lagu sheegay in 178 wariye ay xabsiyo ku jiraan.

Dalka Soomaaliya ayaa tirade suxufiyiinta sannadkan lagu dilay waxay aad uga yar tahay kuwii lagu dilay sannadkii hore ee 2012, iyadoo inta badan suxufiyiinta la toogto iyagoo howlahooda shaqo ku jira.

Hiiraan online