Tata Martino Oo Qorsheynaya Inuu Ka Tago Barcelona.

Tata Martino ayaa lagu waramayaa inuu diyaar u yahay inuu ka tago Barcelona dhamaadka xilli ciyaareedkan.
download (7)
51 jirkan ayaa kooxda ku soo biiray xagaagii ka dib markii Tito Vilanova uu shaqada iskaga tagay xanuun soo wajahay darteed.
Inkastoo 20kiisii kulan ee ugu horeysay ee uu leyliyo Barcelona aan laga badinin islamarkaana uu hal kulan u jiray inuu barbareeyo rikoorkii Pep Guardiola, taasoo ay sii dheer tahay inuu Barca u soo saaray wareega 16ka, Martino ayaa wajahayay eedeymo joogta ah oo la xidhiidha inuu bedelay qaab ciyaareedka kooxda.
Jariirada fadhigeedu yahay Barcelona ee Mundo Deportivo ayaa haatan ku waramaysa in Argentina ay ka socdaan warar sheegaya in Martino uu dadka isaga u dhowdhow u sheegay in aanu raaxo ku dareemeynin Camp Nou islamarkaana aanu ku faraxsaneyn, sidaasi darteedna uu doonayo inuu is baxo dhamaadka xilli ciyaareedkan.