Wakiilka Xiddiga Fredy Guarin Oo Xaqiijiyey In Chelsea Wada Hadalo La Leedahay Inter

Wakiilka xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Inter Milan Fredy Guarin ayaa xaqiijiyey in xiddigan wada hadalo la leeyahay kooxda Chelsea.
download
Chelsea ayaa diyaar u ah inay xiddigan heerka caalami ee xulka Colombia kula saxeexato bisha January aduun gaadhaya €15 million.
” Xiisaha Chelsea u qabto Fredy Guarin xaqiiqdii waa mid Rasmi ah ayuu wakiilka xiddigan oo lugu magacaabo Marcelo Ferreyra ugu waramay Radio Caracol. haa Chelsea waxay wada hadalo la leedahay Inter ayuu sii raaciyey.
” Fredy wuu ku faraxsan yahay Inter, waxana uu si taxadar leh isha ugu hayaa mustaqbalkiisa kooxda reer London ee Chelsea.
” Labo Manchester ayaa sidoo kale xiiisaha Fredy muujiyey, laakiin xilligan waxay u muuqataa inay hoos u dhigeen.
” Waxaa jira xidhiidho fara badan oo u dhaxeeya Nerazzurri iyo Chelsea oo Rasmi ah. dhamaanteen waan wada sugi doonaa go’aanka ka yimaada madaxwaynaha Inter Erick Thohir ayuu hadalkiisa kusoo afjaray Marcelo Ferreyra