Xisbiyada Somaliland oo Heshiis midaysan ka gaadhay Shirka Doodda Qaran

Hargeysa-(Beberanews)-Masuuliyiinta Saddexda Xisbi Qaran ee Somaliland ee UCID, WADDANI iyo KULMIYE, ayaa shaaca ka qaaday inay soo afjareen muran iyo khilaaf bilihii u dambeeyey u dhexeeyey labada Xisbi Mucaarid oo dhinac ah iyo Xukuumadda iyo KULMIYE oo dhinac ah, isla markaana isla qaateen in Shirka Doodda Qaran oo Mucaaridku ku hawlanaayeen, Xukuumadda iyo Xisbigeeduna sas ka qabeen si wada-jir ah loo qaban doono.

Eng. Faysal Cali Waraabe oo ah Guddoomiyaha UCID, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo ah Guddoomiyaha WADDANI iyo Muuse Biixi Cabdi oo ah Guddoomiyaha KULMIYE iyo Masuuliyiin kale oo Saddexda Xisbi ka kala tirsan, ayaa kulan ay ku yeesheen Xarunta Akaademiga Nabadda iyo Horumarinta Somaliland, waxay si wada-jir ah ugu shaaciyeen inay soo afjareen murankii u dhexeeyey, isla markaana isla qaateen saddexda Xisbi inay si wada-jir ah u qabtaan Shirka Doodda Qaran ee Xukuumadda iyo Xisbigeeda KULMIYE ku tilmaameen Qaran-dumis.

Daawo shirka jaraa’id ee Masuulliyiinta Xisbiyada iyo Akademmiyadda