Ciidamada Kenya oo Gacanta ku dhigay Muwaadin u dhashay dalka Biritan oo la sheegay inuu dooonaayay inuu ku biiro Al-Shabaab.

Ciidamada ammaanka Kenya ayaa qabtay nin u dhashay Biritan iyo Shan kale iyadoo laga qabtay xadka kala qeybiya Soomaaliya iyo Kenya,kuwaasi oo doonayay inay u soo gudbaan Soomaaliya kadibna ku biiraan Ururka Al-Qaacida Xiriirka la leh ee Al-shabaab.
DO-NOT-USE-UNTIL-AFTER-THE-TRIAL-Michael-Adebolajo-and-Michael-Adebowale-2939761
Adebolajo oo ah Muwaadin u dashay dalka Britain ayaa Dowlada Kenya waxay ku eedeysay inuu doonayay ku biiritaanka Ururka Al-shabaab ee ka dagaalama dalka Soomaliya.
Sidoo kale,Adebolajo ayaa lagu eedeeyay inuu diyaarinayay inuu u soo gudbo wadanka Somaliya, islamarkaana tababar iyo dagaalba uu la wadaago Al-shabaab,kuwaasi oo ka dambeeyay weerarkii lagu qaaday xarunta Ganacsiga Wesygate ee Magaalada Nairobi.
Waxaa la soo bandhigay sawiro muujinaya Adebolajo oo saaran Maxkamada Kebya,kaasi oo ka xun xariga ay u geysteen Ciidamada dalka Kenya.
Muwaadinkaan Britishka ah ayaa Maxkmada Kenya u sheegay inuu doonayay inuu u soo guuro Soomaaliya, si uu ugu Noolaado wadan Shareecada Islaamka looga dhaqmo.