Koox Al-shabab oo la ogaaday in ay tahay Garab Al-qaeda ugu xooga badan

Berberanews-Warbixin ay soo saartay jaamacada Maryland ee dalka Mareykanka ayaa lagu xaqeejiyay in xarakada Alshabaab ay ku jirto kooxaha xiriirka la leh Al-Qaacida ee dhibaatada xoogan ka geysanaya dalalka ay ka dagaalamaan.

article-2526263-1A29F4ED00000578-847_634x473

Warbixinta ayaa sidoo kale lagu xusay in xarakadaasi ay ku bahoobeen xoogaga aad u fara badan oo ay uga duwan tahay kooxaha kala ee dunida ka jira.

Warbixinta ayaa muujisay in tirada dagaalyahanada ka tirsan ay kordheen sanadkaan 2013 ee maalmuhu ay ka hareen dhamaashihiisa.

Tirada Korartay ee dagaalyahanada kooxdaas ayaa la xusay inaysan wax badan ka badalin ujeedadii ay lahaayeen ee dagaalka ku saleesneed.

Ku dhawaad 700 weeraro halis ah ayaa la sheegay inay xarakadaasi ka geysatay gudaha dalka Soomaaliya.

Xarakada Alshabaab ee ka dagaalanta gudaha dalka Soomaaliya ayaa dagaal kula jirta xoogaga dowlada Federaalka ah ee Soomaaliya iyo ciidamada AMISOM ee ka howl gala gudaha Soomaaliya.

Warbixintaas ayaa dalalka Ciraaq , Afgaanistaan iyo Pakistaan ka dhigtay wadamada ay la dageen falalka ay sameynayaan kooxaha ku lugta leh waxa argagaxisada loo yaqaano.