RAAD-RAACA Fadeexadaha Xukuumadda Siilaanyo Qarannimada Somaliland Ku Hagar-daamaynayso

Fadeexadda No.2:  Shirka Doodda Qaran ee Xisbiyadu Waa Mamnuuc, Shirar-beeleedkuna Waa Oraydh!

Akhristayaal, waa mar kale iyo taxanihii RAAD-RAACA Fadeexadaha Xukuumadda Siilaanyo dhex fadhido. Markanna kusoo dhawaada fadeexadda 2aad ee aan idiin soo bandhigayno.

Fadeexaddani waxa ay soo bandhigaysaa qodobka kor ku xusan ee tilmaamaya in Xukuumadda Siilaanyo taageerto shirar-beeleedka laakiinse aanay ogolayn shirarka doodda qaran ee Xisbiyada Qaranku ku baaqeen ay kasoo horjeesaday kuna tilmaamtay qaran-dumin iyo khatar. Waxa xaqiiqo ah in wadanka ay ka qabsoomeen shirar-beeleedyo tiro badan oo weliba qaar kamid ah xukuumadda Siilaanyo toos u taageertay ama qaybo kamid ahi ka qayb-galeen.

Waa kuwan shirar-beeleedyada dhacay intii xukuumadda Siilaanyo talada wadanka haysay:

1.       Shirkii Dan iyo Duco ee ka dhacay Dubur, xukuumadda Siilaanyo masuuliin ka tirsanina ka qayb-galeen sida Wasiiro, Agaasimeyaal, Badha-saabyo iwm.

2.       Shirkii Talo iyo Tawfiiq ee ka dhacay buurta Daallo, kaas oo ay ka qayb-galeen madax tiro badan oo ka tirsan xukuumadda Siilaanyo, min Wasiiro ilaa agaasime-waaxeedyo.

3.       Shirkii Hoodaale ee ka dhacay Agabar oo ay ka qaybgaleen masuuliin tiro badani, isla markaana xukuumaddu dabada ka riixaysay laakiin qabanqaabiyeyaashii waday u isha u dabeen!

4.       Shirkii Beelaha  reer Qorilugud ee ay cuqaasha tirada badan lagu caleemo saaray

5.       Shirkii Habar-Magaado ee 4 maalmood ka hor ka dhacay Hoteelka Summer Time ee magaalada Hargeisa.

6.       Shirkii guddida beesha Siilaanyo ee lagu xalinayey khilaafka Kulmiye ee ka dhacay guriga odayga Somailland ee Guddoomiyaha Guurtida Saleebaan Nuur kana qaybgaleen wasiirka duulista iyo hawada, xildhibaanno ee markii dambena Madaxweynaha laftiisu ka qayb-galay!

7.       iyo shirar kale oo tiro badan oo habeen iyo maalin ka dhaca Somaliland.

Haddaba, akhriste, ma isweydiisay sababta xukuumadda Siilaanyo uga soo hor-jeedsatay shirarka Shirka Doodda Qaran ee xisbiyada Siyaasadda u xilsaaran ee wakiilka ka ah dadka reer Somaliland intooda badan? Maxaa uga uray? Maxay ka diday? Maxaa keenay in ay fasaxdo oo weliba ka qayb-gasho iyaduna marka ay doonto abaabusho shirar-beeleedyo hase ahaatee shirarka aan qabiilka iyo deegaanka ku salaysnayn ee heer Somaliland maraya uga soo hor-jeedsato?

Jawaabta adiga ayaan kuu daayey. Waxase aad ku darsataa, in xukuumadda Siilaanyo shirar-beeleedka saaxiib yihiin maadaama iyadu ka dhalatay shir-beeleedkii Gar-adag. Waa xukuumad heer qabiil taagan laakiinse ka dhacsan kana arradan heer Qaran. Waa xukuumad fahamta kaliya luuqadda qabiilka ee mid qaran aan caqligeedu gaadhin! Weliba, waxa aad ku darsataan in ay shirarka qaarkood taageertay sida kii Daallo ee ay rabtay in aan ninka mayalka adag ee Diktoor Gaboose kusoo bixin, inkastoo dadka qaar leeyihiin Cirro Qoslaaye ayaaba mididiisu ka af badan tahay!

 

Aqriste, halkan ka akhriso haddii uu ku dhaafay RAAD-RAACA Fadeexadda Qaybta Koowaad No.1:  http://www.berberanews.com/raad-raaca-fadeexadaha-xukuumadda-siilaanyo-qarannimada-somaliland-ku-hagar-daamaynayso/

Diktoor Cumar Cismaan

Dubai, Emirates