Seddex kamid ah ciidamada nabad ilaalinta ee Qaramada Midoobay oo lagu dilay Koonfurta Suudaan

Jubba-(Berberanews)-Seddex kamid ah ciidamada nabadilaalinta ee Qaramada Midoobay ayaa lagu dilay Koonfurta Suudaan.

Arrintan ayaa ku soo beegmaysa iyadoo dagaalka u dhexeeya dhinacyada awoodda isku haya ay ku sii fidayaan gobollada dalka.

Ciidammadan oo ka soo jeedo dalka Hindiya ayaa la dilay kaddib markii weerar lagu qaaday dhismo Qaramada Midoobay ay leedahay oo ku yaalla gobalka Jongalei, sida uu sheegay ergeyga Hindiya u fadhiyo Qaramada Midoobay.

Fallaagada taageersan Machar

Falaagada taageersan madaxweyne kuxigeenkii hore ee dalkaas, Riek Machar, ayaa la wareegay xarunta maalintii khamiista.

Waxaa la sheegayaa inay bartilmaameedsanyeen dadka rayidka ah ee ka soo jeeda qabiilka ugu badan dalkaasi ee Dinka.

Madaxweyne Salva Kiir Mayardit, oo ka soo jeeda qabiilka Dinka, ayaa ku eddeeyay kuxigeenkiisii hore, Machar, oo ka soo jeeda qabiilka Nuer, inuu ka dambeeyay afgembi uu sheegay in militerigu fashiliyeen maalinta Axada.

Urur goboleedka IGAD

Ilaa haatan waxaa la sheegayaa in dhowr boqol oo ruux ay ku dhinteen dagaallada dalkaas ka oogaan.

Wasiirro ka socda urur goboleedka IGAD ayaa ku sugan magaalada Juba, si ay wadahadal ula yeeshaan madaxweyne Kiir.

Dowladda Yugaandha ayaa horey u sheegtay inay dhexdhexaadinayso labada dhinac ee isku hayo dalkaas.

Iyadoo dadaalladaas dhexdhexaadinta ay socdaan, ayaa waddamada dunida waxay dadkooda kala soo baxayaan magaalada Juba.

Dadka u dhashay dalalka Britain iyo Maraykanka ayaa laga soo daadguraynayaa dalkaas.

Kenya ayaa sidoo kale horey u sheegtay inay billawday inay dadkeeda kala soo baxda dalkaas.