Wasaaradda Kalluumaysiga Somaliland oo Dedaal ugu jirta Wax-soo-saarka Xoolaha Badda

Berbera-(Berberanews)-Wasaaradda Kalluumayiga iyo Khayraadka Baddaha Somaliland, ayaa muddooyinkii u dambeeyay ka waday dalka dardargelinta wax-soo-saarka Baddaha.

Hawlwadeennada Wasaaradda oo ay hormood u yihiin Wasiirka Kalluumaysiga iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, ayaa bishii tagtay waxay safarro ugu baxeen deegaannada Xeebaha Somaliland, halkaasoo ay wacyigelin iyo dhiirigelinba siiyeen kalluumaysada iyo dadweynaha deegaannadaasi, sidii ay u kordhin lahaayeen kalluumaysiga oo ay uga faa’iidaysan lahaayeen khayraadka ku jira Badda.

Wasaaradda Kalluumaysiga Somaliland waxay Shirkaddaha kalluumaysiga ku wargelisay inay cusboonaysiiyaan liisammada kalluumaysi ee ay hore u haysteen inta ka horraysay sannadka cusub, sida lagu sheegay wargelin uu ku saxeexanyahay Agaasimaha Guud ee Wasaaraddaas Maxamed Cilmi Aadan (Ilkacase).Agaasimaha-Kalluumaysiga-300x216dddd11221122

“Wasaaradda Kalluumaysiga Iyo Khayraadka Badda Wargelin Waxa la ogeysiinayaa dhammaan shirkadaha Kalluumaysiga inay cusboonaysiistaan liisanka inta ka horeysa bisha January ee 2014, taas oo ay dhacayaan waxa ka dambeeya bisha December 16, 2013 sida uu dhigayo sharciga kalluumaysigu. Sidaa daraadeed, waa inaad ku dhaqantaan, haddii kale waxaanu idiin aqoonsanaynaa shirkado sharci darro ah. Sidaa darteed, waa inaad ilaalisaan wakhtiga. “

Berberanews.com

info@berberanews.com