Gareth Bale Oo Seegaya Kulanka Real Madrid Ay U Safreyso Valencia

Carlo Ancelotti ayaa xaqiijiyay in Gareth Bale uu seegi doono kulanka Real Madrid ay berri wajaheyso Valencia.
1143694-17973975-640-360
Los Blancos ayaa booqaneysa berri Mestalla Stadium iyagoo raadinaya seddexda dhibcood ee ka dhigi karta inay labo dhibcood u jirsadaan Barcelona iyo Atletico Madrid.
 
Laakiin waxaa ka maqnaan doona xiddiga reer Wales kaasoo dhaawac kubka ah uu soo gaaray.
 
Weeraryahanka ayaa seegay tababarka labadii maalmood ee u danbeysay, waxaana tababaraha Talyaaniga uu shaaciyay in xiddigii hore ee Tottenham inuusan u safri doonin Valencia.
 
“Dhaawaca Bale ma ahan mid halis ah, kaliya waa dhaawac yar” ayuu Ancelotti ku sheegay shirkiisa jaraa’id.
 
“Berrito ma ciyaari doono sababtoo ah weli ma uusan soo kabsan.”
 
Pepe iyo Sami Khedira ayaa sidoo kale dhaawac ku maqan.
 
Kooxda Madrid ee ka hortageysa Valencia: Casillas, Diego López y Jesús, Sergio Ramos, Marcelo, Carvajal, Arbeloa, Llorente, Nacho, Xabi Alonso, Casemiro, Modric, Di María, Isco, Illarra, Cristiano Ronaldo, Benzema, Jesé, Morata.